Gabar wasiir ka ahaan jirtay Puntland oo xil muhiim ah Minnesota looga magacaabay.

0
Tuesday June 16, 2020 - 14:22:11 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar wasiir ka ahaan jirtay Puntland oo xil muhiim ah Minnesota looga magacaabay.

    Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa gabar Soomaali ah u magacowday gudoomiye kuxigeenka arrimaha socdaalka iyo qaxootiga. Anisa Xaaji Muumin oo horay wasiir uga soo noqotay maamul goboleedk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa gabar Soomaali ah u magacowday gudoomiye kuxigeenka arrimaha socdaalka iyo qaxootiga. Anisa Xaaji Muumin oo horay wasiir uga soo noqotay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa waaxdan oo cusub si gaar ah loogu xil saaray inay diiradda u saarto saameynta ay soogalootiga ku leeyihiin dhaqaalaha gobolkaasi Maraykanka ka tirsan. Anisa Xaaji Muumin waxa ay Minnesota daganayd ku dhawaad 25 sanadood, mudadaas oo marna waxbarasho marna ganacsiyo kala duwan ay ka haysay, halka ay wasiirka horumatinta haweeenka ka soo noqotay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Anisa waxaa loo magacaabay in ay hoggaamiso xafiis cusub oo dowladeed oo ka caawin doona soogalootiga iyo qaxootiga in ay shaqo helaan ama ay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin. "Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan howshan qabto, waa howl aan aaminsanahay inaan ka soo bixi doono," ayey Anisa u sheegtay BBCda. Anisa Xaaji waxay sheegtay inay ku faraxsantahay xilkan, waxayna ii raacisay inay wax badan qaban doonto. Mar ay ka jawaabaysay in marnaba ay ku fakaraysay in xil noocan ah ay ka qaban doonto gobolka Minnesota oo qaxooti mudo badan ku ahayd ayaa waxa ay tiri: "Intaanan aniga Soomaaliya u ambabixin oo wasiirka la ii magacaabin, qorshahayga markaan maamulka dowladda baranayay waxa uu ahaa inaan halkan ka qeybqaato siyaasadda." Anisa Xaaji Muumin ayaa xiligaas loo magacaabay wasiirka horumarinta haweenka ee Puntland waxa ay la kulantay caqabado dhowr ah oo ka soo wajahay waxgaradeekeeda iyo xildhibaannada ku metela barlamanka Puntland kuwaasi oo ka hor yimi ina xilkaasi loo magacaabo. Waxa ay sheegtay marar dhowar oo ay amuurtaasi ka hadashay inay ka door bidayeen beesheedu in xilkaasi loogu magacaabo qof nin ah, balse madaxweynihii Puntland ee xilligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu iskii xilkaas u magacaabay. Haatanse xaalku waa uu ka duwan yahay oo Anisa waxa ay xil ka heshay Mareykanka oo odoyaal iyo xildhibaanno beelo toona ra'yi lama waydiin, waxa ayna la shaqayn doontaa wasaarado badan sida caafimaadka, guryaha, gaadiidka iyo waxbarashada. Anisa waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa kuxigeenka wakiilka waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED), Xamse Warfaa. Anisa waxay ka caawin doontaa shirkadaha iyo milkiilayaasha ganacsiyada inay shaqaaleysiiyaan oo ay sii hayaan shaqaalaha soogalootiga si kor loogu qaado awoodda dhaqaale ee Mareykanka cusub.
Hamsa Warfa wasiir Xigeenka Shaqada & Horemarinta Dhaqaalaha Gobolka MN

Xamse Warfaa oo ah wasiir kuxigeenka wasaaradda Shaqa abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha ayaa sheegay in qaybtaas Anisa loo magacaabay ay buuxinayso baahi muddo dheer ka jirtay Minnesota.

"Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka iyo wasaaradda Shaqa abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha miisaan wayn bay u leedahay in Anisa Xaaji Muumin ay ku soo biirto hogaankeeda oo qeyb lixaadleh ay ka qaadan doonto, sidii looga saari lahaa caqabadaha ama waxyaabaha ka hor sitaagaya qofka muhaajirka ah kana qeybqaato dhaqaalaha iyo horumarka gobolku uu leeyahay.” Ayuu yiri Xamse Warfaa.

Tan iyo markii dadka Soomaaliyeed ay u hajireen waddanka Mareykanka , ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay horumar ka gaareen dhan walba oo noloshooda ah.

Waxa ay ka soo dhexmuuqdaan hogaanka siyaasadda oo mararka qaar waxaa loo magacaabaa xilal kala duwan kuwaas oo soo maray heerar kala duwan.

Soomaalida ku nool gobolkaasi qaar ka mid ahna waxa ay soo dhaweeyeen xilkaas gabadhan loo magacaabay.

Abdirahman Kaahin

Cabdiraxmaan Kaahin waxa uu ka mid yahay Soomaalida horumarka ka sameysay ganacsiga kaalin waynna ka gaaray gobolkaasi Minnesota ayaa inoo sheegay: "Magacaabista Anisa Xaaji aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa maxaa yeelay gobolka Minnesota waa mid ka mid ah gobollahada ugu qanisan Mareykanka. Gobolkan Minnesota Soomaalida ka shaqeysata ama xirfadlayda ama ganacsatada waa dumar, dumarkaasna inay helaan qof ay u tagaan oo Anisa ah waa arrin wanaagsan wayna ka soo bixi kartaa.”

Saamaynta dhaqaale ee uu gaystay Covid-19 ayaa ah mid muuqata, wasaaradan Anisa ay ka hawlgalaysana waa tan maaraysa dhaqaalaha gobolka.

Ganacsatada yaryar ee gobolka Minnesota weliba kuwa laga tirada badan yahay maxaa uga qoraysan wasaaradooda ayaan waydiinnay Anisa oo ku jawaabtay: "Gobolka dhowr boqol oo milyan oo doolar ayaa goonni loogu dhigay in lagu kaalmeenaayo iyaga, muhiimaddana waxa ay noqonaysaa inta ay la eg tahay baahida, ileen qofkasta baahidiisa la mid ma noqonayso, inaan eegno baahida inta ay tahay, maxay habkii uu u soo kaban lahaa iyo habkee annagu aannu u kaalmayn karnaa, si markaas uu qofka u soo ceshto dhaqaalihii ka lumay.”

Anisa ayaa waxa ay intaas sii raacisay "Covid-19 markii loo eego saameyn badan ayey dadka oo dhan ku yeelatay waase loo kala badan yahay dadka muhaajiriinta iyo qaxootigana way ka sii daranyihiinba, marka insha Allaah bi’idnillaahi kariim waxaan rajaynaayaa inaan xal helno.” Ayey tiri Anisa Xaaji Muumin.

Xigasho:BBCSomali





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip