Maxaa Saaka Lagu Qoray Bogaga Hore Ee Wargeysyada Isboortiga Ee Ka Soo Baxa Ingariiska, Spain Iyo Talyaaniga? Laacib.net Ayaa Idiin Soo Uruurisay.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:33:50 in Sports News by
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Saaka Lagu Qoray Bogaga Hore Ee Wargeysyada Isboortiga Ee Ka Soo Baxa Ingariiska, Spain Iyo Talyaaniga? Laacib.net Ayaa Idiin Soo Uruurisay.

    Mxaan saaka idiin soo uruurinay cinwaanadii ugu waa weynaa bogaga hore ee wargeysyada Isboortiga ee ka soo baxay dalalka Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga oo kulamo xiiso leh la ciyaaray xalayto islamarkaana natiijooyin cajiib leh ay ka soo baxeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mxaan saaka idiin soo uruurinay cinwaanadii ugu waa weynaa bogaga hore ee wargeysyada Isboortiga ee ka soo baxay dalalka Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga oo kulamo xiiso leh la ciyaaray xalayto islamarkaana natiijooyin cajiib leh ay ka soo baxeen.

Dhanka horyaalka Ingariiska waxaa guuldarro ay soo wada gaartay Arsenal, Tottenham iyo Manchester City kuwaasoo ka faa’ideysan waayay barbarihii ay habeen hore Leicester la kulantay. Tottenham ayaa ugu sii darneyd oo iska qasaarisay fursad ay ku qaban lahaayeen hogaanka horyaalka.

Dhanka horyaalka Spain kooxda Real Madrid ayaa ku soo laabatay wadada guusha inkastoo ay dhaawacyo hareeyeen hadana da’ yartooda ayaa ka caawisay inay 3-1 ku xaaqaan kooxda ugu hooseysa hogaanka horyaalka ee Levante.

Talyaaniga isagana waxaa la ciyaaray kulan xiiso leh oo ahaa lugta labaad ee semi-finalka Copa Itallia. Inter Milan ayaa 3-0 ku badisay xalayto, laakiin waxa ay wadar ahaan natiijada ka dhigtay barbaro 3-3 ah, waxaana rigoore ku soo baxday Juventus oo finalka Copa Italia la ciyaareysa kooxda AC Milan oo habeen hore soo baxday.

Hadaba maxaa lagu qoray bogaga hore iyo kuwa danbe wargesyayda:

the-daily-star-mar-3_13pxg3o5zzh9r13mfu7miojclh

Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa UK ayaa boga danbe ee isboortiga waxa ay soo dhigeen guushii ay West Ham xalayto ka gaartyay kooxda Tottenham taasoo u diiday Spurs inay hogaanka la wareegaan, waxaana ay cinwaan uga dhigeen "Blown It” oo ah inay iska qasaariyeen fursad aad u weyn, waxaana hadalkooda sii raaciyeen "Kooxda Hammers oo lugoysay hamigii horyaalka ee Spurs.”

Waxay kaloo Daily Star qoreen sheekada xiddiga ceeboobay ee Adam Johnson kaasoo wajahaya 10 sannadood oo xarig ah ka dib markii lagu helay inuu fara xumeeyay gabar yar oo 15 sanno jir ah waxayna qoreen kooxda Sunderland oo sheegeysa: "Ma aanan ogeyn in Johnson uu qiran doono inuu danbiga galay”

Daily Mail

Wargeyska Daily Mail ayaa iyagana bogooda danbe ee isboortiga waxa ay ku soo qoreen cinwaan weyn oo ah "Qiyaano” iyagoo qoraalkooda sii raaciyay hadal uu sheegay nin ka shaqeeya taakuleynta caruurta oo yiri: "Qalad musiibo ah ayay ku aheyd in Sunderland aysan xilli hore ceyrinin ninka bahalka ah ee Johnson.”

Daily Mail ayaa sidoo kale soo qaadatay guuldaradii Tottenham ka soo gaartay West Ham waxaana ay soo qoreen: "Hammer-ka faraxsan Antonio oo quusiyay Spurs”

Telegraph

Jariirada Daily Telegraph ayaa iyadana bogeeda hore kaga hadashay guuldaradii lama filaanka aheyd ee Arsenal ka soo gaartay Swansea, waxaana ay soo qaateen sawirka Ozil iyo Giroud oo murugeysan iyagoo ku dulqoray: "Fursadii waad iska xoorteen” Waxaana ay qoraalkooda raaciyay in Arsenal lagu riday gurigooda.

Telegraph sidoo kale waa ay ka hadashay arinta Adam Johnson iyagoo sheegaya inuu wajahayo waqti dheer oo xabsi ah ka dib markii lagu helay danbi ah inuu fara xumeeyay caruur.

Mirror

Wargeyska Daily Mirror ayaa isna soo qaatay xaqiiqda ah in Claudio Ranieri uu isbuucaan noqday ninka guuleystay, waxaana ay soo qoreen: "Leicester waa ay qosleysaa iyadoo Spurs, Arsenal & City ay fursad iska qasaariyeen.”

tutmar3_0

Dhanka wargeysyada Talyaaniga, jariirada Tuttosport ee ka soo baxda magaalada Turin ayaa bogeeda hore u hibeysay guushii xalayto ee Juventus, waxaana ay ciwaanka weyn ku soo qoreen: "Sidaan ayaa fiican!” iyagoo raaciyay qoraalkooda "Inter oo rigoore lagu garaacay: Juve oo gaartay fianlka Coppa”

gazmar3_1

Wargeyska kale ee La Gazzetta dello Sport ayaa iyagana bogooda hore waxa ay soo dhigeen kulankii xalayto ee semi-finalka Coppa Italia, waxaana ay ciwaan weyn uga dhigeen: "Inter soo jiidasho ayay laheyd, laakiin Juve ayaa heestay” waxay qoraalkooda sii raaciyeen: "Nerazzurri oo cajaa’ib weyn laheyd ayaa 3-0 ku badisay laakiin waxa ay ku dhaceen rigoorada.”

cormar3_2

Corriere dello Sport iyagana si la mid ah waxa ay ka hadlayeen kulankii xalayto, waxaana ay ciwaan weyn uga dhigeen "Mar walba Juve” iyagoo qoraalkooda raaciyay: "Inter oo cajiib aheyd balse kaliya ku dhacday rigoorayaasha.”

Wargeyska ayaa sidoo kale boga hore ku soo qortay war iyaga u gaar ah oo sheegay in Roman Abramovich milkiilaha Chelsea inuu go’aan ku gaaray inuu la saxiixdo macalinka xulka Talyaaniga Antonio Conte, waxaana ay soo qoreen: "Abramovich: Waxaan soo qaadanayaa Conte”

1456895727_372350_1456895740_album_grande

Dhanka Spain jariirada AS ayaa bogeeda hore u hibeysay guushii ay Real Madrid xalayto ka gaareen kooxda Levante waxaana ay cinwaan uga dhigeen "Ciyaartoyda Da’da Yar Oo Lagu Badbaaday” waxaana ay qoraalkooda sii raaciyeen "Nacho, Lucas Vazquez, Casemiro & Mayoral oo ku soo bilowday”

g0303.51f025cca29a937dfb09e3be60a29ebd

Jariirada Marca iyadana si la mid ah waxa ay ka hadashay ciyaartii xalayto ee Real Madrid, iyagoo ciwaan uga dhigay "Hawo cusub” oo ay kala jeedaan da’ yarta fursada la siiyay, waxaana ay qoraalkooda raaciyeen: "Guul bilaa buuq ah laakiin tayo sarre leh.”

catalog-cover-large

Jariirada Mundo Deportivo ayaa iyagana ka hadlaya ciyaarta caawa ee ay Barcelona wajaheyso Rayo Vallecano, waxaana ay ciwaan uga dhigeen "Rayo v Neymar” waxaana ay qoraalkooda raaciyeen "Xiddiga reer Brazil oo wajahaya dhibanayaashiisa uu ugu jecel yahay: Waxa uu ka dhaliyay lix gool shan kulan gudaheed.”

Sport

Jariirada Sport ee Barcelona ka soo baxda iyada waxa ay saaka bogeeda hore u hibeysay xan ku saabsan suuqa kala iibsiga, iyadoo Sergio Busquets lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Barcelona, waxaana ay cinwaan weyn uga dhigeen: "BUSI WAA LAMA TAABTAAN” waxaana ay qoraalkooda sii raaciyay seddexda dalab ee ugu weyn ee uu helay waxa uu ka helay City, United iyo PSG.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip