Burcad Koonfur Afrikan ah oo dhac u gaystay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

0
Tuesday June 16, 2020 - 14:18:26 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad Koonfur Afrikan ah oo dhac u gaystay Dukaamo ay Soomaali leeyihiin.

    Deegaan hoos taga Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika waxaa lagu boobay Goobo ganacsi oo ay leeyihiin Ajaanib oo ay ka mid yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana cagta la mariyay Dukaamo dhowr ah. Boobka waxaa ka horeeyay dibadbax rabsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaan hoos taga Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika waxaa lagu boobay Goobo ganacsi oo ay leeyihiin Ajaanib oo ay ka mid yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana cagta la mariyay Dukaamo dhowr ah. Boobka waxaa ka horeeyay dibadbax rabshado watay oo ay sameynayeen muwaadiniin Koofur Afrikaan ah, balse kolkii dambe wuxuu banaanbaxa isu badalay mid lagu boobayo goobaha Ganacsiga. Cabdi kaafi Xasan Warsame oo ka mid ah Ganacsada Soomaalida Koofur Afrika sidoo kale la boobay Goob Ganacsi uu ku lahaa Magaalada Johannesburg waxa uu BBC-da u sheegay in uu ku khasaaray dhacaas. Waxyeelada gaartay wuxuu ku sheegay inay dhacday in laga boobay badeeco guud ahaan ku kaceysay lacag dhan 400,000 (Afar boqol oo kun oo ran)oo Rand oo ah lacagta Koofur Afrika oo doolar ahaan u dhiganta $23,464.26 (Labaatan iyo Saddex kun, afar boqol, lexdan iyo afar doolar, labaatan iyo lex santi). "Ma garan karno sababta nalagu boobay, dibadbax ka dhashay isbadalka adeegga korontada iyo shidaalka ayay dhigayeen, balse markii dambe waxa ay ku dhaqaaqeen waddo ka duwan isu soo baxooda, Booliiska waa ay kala xaroodeen, waxaana ay soo baxeen kolkii nala dhacay" ayuu yiri Cabdikaafi Xasan Warsame oo ka mid ah Ganacsatada la dhacay.

Lama soo warin waxyeelo nafeed oo ay geysteen kooxaha dhaca sameeyay, maadaama Ganacsatada Soomaalida ay isaga carareen Goobahooda kolkii ay ku xoomeen Kooxaha Burcadda ah, si aysan khatar u gelin naftooda.

Dhanka kale Bishaan kala barka joogto ee June waxaa Koofur Afrika lagu dilay 5-Muwaadin oo Soomaali ah, waxay naftooda ku waayeen weeraro lagu boobayay Goobahooda ganacsiga, halka kuwo kale ay isbitaalada la jiifaan dhaawac loo geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip