Ciidanka xoogga oo heshiis dhex dhigay beello ku dagaallamay Hiiraan

0
Sunday June 14, 2020 - 22:33:03 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga oo heshiis dhex dhigay beello ku dagaallamay Hiiraan

    Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobjoog ka noqdey heshiis beelo Ku diriray Deegaano Hoostaga Maxaas ay wada gaareen ka dib Ciidamo la tirsan dowladda Markii ay kala dhexgaleen. Taliyaha Guutada 15 Ciidanka xoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobjoog ka noqdey heshiis beelo Ku diriray Deegaano Hoostaga Maxaas ay wada gaareen ka dib Ciidamo la tirsan dowladda Markii ay kala dhexgaleen. Taliyaha Guutada 15 Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga ay tilaabo la qaadi doonaan cidii degaankaasi ka abuurta falal Amni daro. Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: 1- qofkii qof dila in ladilo 2- haddii uu fakado danbiile waxaa laxirayaa aabihiis,hooyadiis,adeeryaalkiis iyo walaalihiis waxaana la moora-duugi doonaa xoolahooda iyo xoolihiisa 3- qofkii ukaalmeeya danbiile wuxuu mudan doonaa :- A- xabsi dheere B- in laga qaado wixii ku baxay hawl galkaas 4- waxaa kamamnuuc ah deegaamadaan wax qori ah 5 – qofkii lagu arko qori waxaa lagu amrayaa in uu dhigo qoriga, haddii uu ku dagaalamo waa lagu dili doonaa isla goobta wax diyo ah lagama bixin doono. 6- qorigii gacanta ciidanka galaa celis malahan 7- been iyo borobagaando ama isku dir qofkii lagu helo wuxuu muteesan doonaa:- A- xabsi B- ganaax 8- tuug ama dhac wuxuu mutaysandoonaa:- A- waxaa laga magayaa xoolihii B- xabsi C- ganaax dhan xoolihii uu xaday qiimaheeda Sidoo kale odayaasha labada beel ee heshiiskan gaaray ayaa isla go'aamiyay in dhulka u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan uu noqdo mid ka caagan hub aan aheyn kan ciidanka dowlada , hadii lagu arko aagaasi hub waxaa Ciidamada amniga lagu go'aamiyay in ay la wareegaan hubkaasi oo cidii Ku dagaalantana lagu dilo .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip