Madaxweyne Biixi""Maanta sidee ayaynnu u sii wadi karnaa wada-hadalkan hadii kuwii hore aan la hirgalin"

0
Sunday June 14, 2020 - 22:29:01 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi""Maanta sidee ayaynnu u sii wadi karnaa wada-hadalkan hadii kuwii hore aan la hirgalin"

    Madaxweynaha Somaliland Mudane, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maanta gaaray Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maanta gaaray Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Jabuuti isla mar ahaantaana ay goob joogayaal ka ahaayeen Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa Waxaa uu si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo Hannaanka Dawladdnimo ee daahfuran ee ay ku caano maashay Somaliland, Nabada iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Somaliland, iyo dib lasoo noqoshada gobanimadii hallowday Lixdankii oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno. Waxaa uu sheegay in aysan macquul aheyn lasii waddo wada hadallada hadii aan la fulin qodobadda ay ku heshiiyaan labadda dhinac. "Maanta sidee ayaynnu u sii wadi karnaa wada-hadalkan haddii heshiisyadii hore ee lagu saxiixay London, Istanbul iyo Djibouti aan weli la hirgalin?" Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa su'aashaas waydiiyay madashii shirka Jabuuti. Gudoomiyaha Golaha guurtida ee Somaliland Saleebaan Maxamud Aaden ayaa sheegay in ay hadda ku kala kaceen wafdiga dawladda Federaalka shirka uga socda Jabuuti, wuxuu sheegay in qodobada Ajendaha iyo fulinta heshiisyadii hore ay dhinacyadu isku qabteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip