Hordhac: Rayo Vallecano v Barcelona – Blaugrana Oo Caawa Dooneysa Inay Jabiso Rikoor Ay 26 Sannadood Soo Heysay Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Real Madrid.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:30:26 in Sports News by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Rayo Vallecano v Barcelona – Blaugrana Oo Caawa Dooneysa Inay Jabiso Rikoor Ay 26 Sannadood Soo Heysay Kooxda Ay Xafiiltamaan Ee Real Madrid.

    Kulanka: Rayo Vallecano v Barcelona Garoonka:Campo de Futbol de Vallecas Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Kooxda Barcelona ayaa rajeyneysa inay caawa sameyso taariikh haddii ay ka fogaato guuldarro oo ay sii dheereysato rikoorkeeda aan laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Rayo Vallecano v Barcelona Garoonka:Campo de Futbol de Vallecas Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Kooxda Barcelona ayaa rajeyneysa inay caawa sameyso taariikh haddii ay ka fogaato guuldarro oo ay sii dheereysato rikoorkeeda aan laga badinin ee 35ta kulan ee isku xigta marka ay u safrayaan magaalada Madrid iyagoo halkaas kula ciyaaraya kooxda Rayo Vallecano.

Blaugrana ayaa barbareysay rikoor ay 26 sannadood heysay kooxda Real Madrid kulankii ay guusha u dagaalameen ee Sevilla ee isbuucaan, waxaana haddii ay caawa guuldarro iska ilaaliyaan ay dhigayaan rikoor cusub oo dalka Spain ah iyagoo noqonaya kooxdii ugu horeysay ee Isbaanish ah ee aan laga badinin 36 kulan oo isku xigta.

Barcelona ayaa sidoo kale dooneysa inay soo ceshato hogaanka sideeda dhibcood ee horyaalka La Liga ka dib markii kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid ay guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Real Sociedad.

Rayo-Vallecano-v-Barcelona

MAXAA KA CUSUB?

Dani Alves ayaa ganaax ku seegaya kulanka caawa, Rafinha Alcantara ayaa weli dhaawac ku maqan halka Sergi Roberto iyo Sergio Busquets ay seegeen tababarkii isbuucaan. Sidoo kale waxaa jirta xan ku saabsan in hal ama labo ka mid ah MSN la nasasiin doono kulanka caawa taasoo soo xulasho madax xanuun ah siin karta tababare Luis Enrique.

Munir El Haddadi ayaana la saadaalinayaa inuu shaxda caawa ee Barcelona ku soo bilowdo isagoo bedeli doona Luis Suarez kaasoo u muuqday mid daalan isbuucana islamarkaana u baahan nasasiino.

Tababaraha Rayo Paco Jemez waxaa ka maqnaan doona Miku iyo Pablo Hernandez, laakiin waxaa u soo yeeray war wanaagsan iyadoo gooldhaliyaha sarre Javi Guerra uu tababar caadi ah shalayto la qaatay kooxda inteeda kale.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):Bravo; Vidal, Pique, Mascherano, Mathieu; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Munir, Neymar

Rayo Vallecano (4-2-3-1):Carlos; Tito, Ze Castro, Llorente, Martinez; Baena, Iturra; Bebe, Jozabed, Piti; Guerra

KULANKII UGU DANBEEYAY

FC Barcelona 5-2 Rayo Vallecano – 17thOctober 2015 – La Liga

Waxa uu ahaa kulankaan bandhigii Neymar, iyadoo xiddiga reer Brazil uu dhaliyay afar gool islamarkaana uu sameeyay caawinaad kale kulankii ay xaaqeen kooxda martida aheyd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip