Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweyn heerkeedu sareysay kala kulmay Jabuuti (sawirro)

0
Sunday June 14, 2020 - 14:52:59 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweyn heerkeedu sareysay kala kulmay Jabuuti (sawirro)

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heerkeedu sareysay oo maqaam leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti, iyadoo roog cas loo fidiyay. Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa soo dho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heerkeedu sareysay oo maqaam leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti, iyadoo roog cas loo fidiyay. Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra'iisul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, iyadoo kulan gaar ah ku qaateen qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha.           Madaxweynaha Somaliland ayaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, halkaasoo uu ku qaabili doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

              Waxaa goor dhow la sugayaa wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

             Shir heerkiisu sarreeyo oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa goor dhow ka furmaya, kaasoo uu shir guddoominayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

          Shirkan ayaa waxaa gadaal ka riixayay Mareykanka oo dano badan ka leh Geeska Afrika, isla markaana qorshihiisa Gobolka uu fulinayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaa shirkan uu yahay mid ka duwan shirarkii hore ee wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo haatan ka miisaan weyn kuwii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip