Mareykanka oo War kasoo saaray Shirka Maanta ee Somalia iyo Somaliland

0
Sunday June 14, 2020 - 14:31:29 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo War kasoo saaray Shirka Maanta ee Somalia iyo Somaliland

    Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa War kasoo saartay Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ee u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa War kasoo saartay Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ee u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay wada-hadalka u furmaya Somalia iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, isla markaana Mareykanka uu mahadceliyay Madaxweyne Geelle oo marti geliyay kulan taariikhi ah.
             

            "Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa ay soo dhaweyneysaa furitaanka wadahadalka Somalia iyo Somaliland oo maanta ka dhacaya Djibouti. Waxaan amaaneynaa hoggaanka Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaa mahad leh Madaxweyne Ismael Cumar Geelle oo marti geliyay kulan taariikhi ah.” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda Mareykanka.

           Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Mareykanka uu taageerayo iskaashiga wanaagsan ee dhexmara dadka Soomaaliyeed, waxaana dhammaan dadka Soomaaliyeed loogu baaqay inay qayb ka noqdaan wada-hadalka labada dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip