laftagareen oo Saraakiisha Ciidamada G/Bakool kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

0
Sunday June 14, 2020 - 14:24:20 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    laftagareen oo Saraakiisha Ciidamada G/Bakool kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo weli ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa uu la kulmay Saraakiisha Cidiamada Dowladda ee ku sugan gobolkaas. Kulanka oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo weli ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa uu la kulmay Saraakiisha Cidiamada Dowladda ee ku sugan gobolkaas. Kulanka oo ka dhacay degmada Xudur ayaa madaxweyne laftagareen waxaa Saraakiisha Guutada 9aad qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka kala hadlay gelinta Xureynta Guud ahaan Gobolka Bakool oo meelo kamid ah ay joogaan Al-Shabaab.

            Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

        Degaano hoostaga degmada degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa weli ku sugan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana maalma ka hor ay dagaal culus Ciidamada Dowladda kula galeen degaanka Abal ee duleedka degmada Xudur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip