Wax Walba Oo Zinedine Zidane Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa'id Ee Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Ku Dubatay Levante.

0
Thursday March 03, 2016 - 11:28:19 in Sports News by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Zinedine Zidane Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa'id Ee Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Ku Dubatay Levante.

    Tababare Zinedine Zidane ayaa shirkiisa jaraa'id ee ka dib ciyaartii ay Real Madrid 3-1 kaga badisay Levante waxa uu kaga hadlay qodobo muhim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Zinedine Zidane ayaa shirkiisa jaraa'id ee ka dib ciyaartii ay Real Madrid 3-1 kaga badisay Levante waxa uu kaga hadlay qodobo muhim ah.

Mayoral:"Waa dooqa labaad ee gooldhaliye. Waan ognahay waxa uu inagu soo kordhin doono. Shaqo fiican ayuu qabanayaa, si wanaagsan ayuu tababar u sameynayaa, waa uu heelan yahay waana nin aad u da’ yar. Waa nin kalsooni leh iyo shaqsiyad aad u weyn.”

Bedelada badan ee uu sameeyay:"Bilowgii ciyaarta ma aheyn wax sahlan. Inaan helno seddexda dhibcood waxa ay ku timid dadaal. Waxaan ciyaarnay kubadii aan dooneynay. Waana waxa aan rajeynayay. Afar ama shantii soo gashay waxa ay ahaayeen kuwa daalan dhamaadkii ciyaarta waana wax caadi ah. Marka aadan ciyaareynin ama aad wax yar uun ciyaarto, waa ay adag tahay inaan muddo dheer garoon ku jirto laakiin maanta taasi lama arkin.

Zidane

Da’ yarta:"Waxaan dooneynaa inay bartaan sida loo ciyaaro kulamada adag. Sababtana kaliya ma ahan inay da’ yar yihiin laakiin waxa ay ku bixinayaan dadaalkooda oo dhan. Bilow adag ayay aheyd, laakiin markii aan jaanta isla helnay si fiican ayaan u ciyaarnay.”

Lucas Vázquez:"Shaqo fiican ayuu qabtay, waana uu degdegsiimo badnaa. Natiijo ayuu keeni karaa. Si adag ayuu u shaqeeyay, waxana auu garoonka ka baxay isagoo xanuunsanaya.”

Kulanka Celta Vigo:"Maanta waan faraxsanahay. Ma aqaano waxa aan sameyn doono berri.”

Ciyaartoyda dareentay xanuun iyo daal:"Waan filayay. Marka aadan in badan ciyaarin waxaad noqoneysaa mid daala islamarkiiba, laakiin taasi inama aysan tusin.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip