Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka South Afrika..

0
Sunday June 14, 2020 - 13:55:00 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka South Afrika..

    Muwaadin Somaliyed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka South Afrika, xilli ay sii kordhayaan tacadiyada ganacsatada Somalida loogu gaysanaayo dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Somaliyed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka South Afrika, xilli ay sii kordhayaan tacadiyada ganacsatada Somalida loogu gaysanaayo dalkaasi.            Burcad madow South Afrikaan ah ayaa weerar ku qaaday goobtiisa ganacsiga muwaadinkaan, xilli uu ku ganacsanaayay xaalad deganaan leh.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali , isaga oo ku sugnaa Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Magalada Cape town.

                  Waa muwaadinkii Afaraad oo Bishan gudaheeda lagu dilo Koonfur Afrika, sida muuqatana ma jirto Boolis heegan ah oo wax ka qabanaayo dilalka bareerka ah ee loo gaysanaayo muwaadiniinta Somaliyed.

         Ganacsatada Somalida South Afrika, ayaa sheegay inay joogaan xaalad quus ah, marka loo eego dilalka joogtada ah loo gaysanaayo, iyadoo aysan jirin Boolis la isku haleyn karo oo ammaanka wax ka qabanaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip