Somaliland Soomaaliyadeedi ayey dib ugu biiree ayagoo iswatana…

0
Sunday June 14, 2020 - 10:39:50 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Soomaaliyadeedi ayey dib ugu biiree ayagoo iswatana…

    Somaliland Soomaaliyadeedi ayey dib ugu biiree ayagoo iswatana Geeska Afrikey ku biirayaan wax cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Soomaaliyadeedi ayey dib ugu biiree ayagoo iswatana Geeska Afrikey ku biirayaan wax cusub.





Sida aad Sawirada ugu dambeeya ka arki kartaan Iyo wixi aan goobjooga u ahaa Iyo meesha ay qadiyada Somaliland joogtay ayaa sanad Iyo wax lamida kusoo afjarmeyso macna ka weyn ayaa jira.

Shirkan is qasabka ah wuxuu cadeyn buuxda uyahay in shirarka Somaliland Iyo Koonfur udhaxeyn jiray aysan beesha caalmka qaar keed daacad ka ahaan jirin isu soo dhaweynta walaalaha kala irdheysnaa mar walba in Ethiopia gaar ahaan seynta uga fadhiday dhanka walaalaha reer waqooyi talada ugu dambeysana iyaga ka go’i jirin.

Maadaama Soomaali Aqriska badan jecleyn aan soo koobo muhiimada ku hoos Duugan shirka mida dhaw Iyo mida fogba.

1- Shacabka Somaliland oo loogu bishaareeyo koofur waxey idiin ogoshahay Madaxweyne nimo muddo 8 ama 10 Sano ah hadii qodobka xilheynta laga badalo 4 loona badalo 5 sano oo ka bilaabmi 2022.

2- Maamul goboleedyada oo lagu qasbo aqbalaada 1 sano muddo kororsi xileed ah si howl muhiim ugu ah geeska afrika loo soo gaba gabeeyo.

3- Shacabka Ethiopia oo iyana loogu bishaareeyo Soomaaliyaa idiin soo socota kadib muddo xileedka Somaliland Abiye na sidaas kusii joogo kursiga

4- Madaxweyne Farmaajo oo aan doorashada dambe ka qeyb galin shacabkana usheega in uu utanaasulay isu keenida walaalaha Soomaali.

5- Balan qaad Iyo damaanad qaad heer caalami ah in Madaxweynaha ugu horeeya oo Geeska Afrika yeelato lagu abaal marin doono Soomaaliya qof ka loo rabana lawada garan karo hadii howsha leeska rabo guul kusoo dhamaato.

Sidaas na lagu dhiso dalkii weynaa ee ay Ethiopia waligeed ku taami jirtay waxaase isweydiin mudan xaguu mustaqbalka Soomaaliya ku dambeyn doonaa kadib muddo xileedka Geeska Afrika.

Bal isweydii buuqa Iyo banaan baxyada kajira ethiopia Iyo Jabuuti xoog Iyo firaaqo ma uhelaan ku mashquulida isu soo dhaweynta Soomaali ee lala dag dagaayo hadeysan muhiimada laga leeyahay ka weyneen.

Wadahadal ay Erdogan Iyo Ismail Gelle riixi waayeen ayaa Abey riixay yaa macneyn Kara.

FG: Waxa aan soo qoray ma aha war murtiyeedka shirka laga soo saari doono ee waa ajandaha qarsoon ee shirka.

Abdirahman Adan Osman



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip