Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti & Shir ka furmaya

0
Sunday June 14, 2020 - 10:36:32 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti & Shir ka furmaya

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo la filayo in uu uga qeyb-galo kulamo kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo la filayo in uu uga qeyb-galo kulamo kala duwan.



Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in uu dalka Jabuuti uu kula kulmo Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wafdi la socda, si ay uga wada hadlaan arrimo ku saabsan Midnimada Soomaaliya, iyada oo Soomalailand ay aaminsan tahay inay ka go’day Somaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in kulankaasi uu guddoomin doono,isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.


War kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay dadaalka loogu jiro wada-hadallo wax ku ool ah oo lala galo Soomaaliland.

Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna ayuu yiri” Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in kulanka ay kor joogto ka noqon doonaan, Wufuud ka kala socota, Mareykanka oo Madaxda Dowladda Somalia cadaadis kus aaray qabsomida kulanka, Midwoga Yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna lagu wadaa in maanta uu gaaro dalka Jabuuti,waxaana hoggaamiyaha Xisbiga UCID feysal Cali Waraabe uu sheegay in shirkaasi uusan ka duwaneyn kuwii horay u dhacay,isla markaana uusan waxba soo kordhineyn.

Ku dhawaad Afar sano ee uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo majirin wada-hadallo dhex-maray Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland,waxaana Siyaasiyiinta mucaaraadka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip