Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo sheegtay in laga been sheegay dhimashada geela Gobolka Sool
Masuuliyiin ka socda Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo mudooyinkii la soo dhaafay baadhitaan ku wadey xoolaha Gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in si qaldan warbaahinta qaarkood baahiyeen xanuun 3000 oo neef ku diley G. Sool, waxayse qireen in ay jiraan xanuun xoolaha haya oo ay daweeyeen intii ay safarka ku jireen. Isuduwaha
Xanaanada Xoolaha Gobolka Sool C/rashiid Axmed Bootaan ayaa ka
warbixiyey sababta kaliftey safarkan ay ku marayaan degaanada xoola
raacatadu u badan yihiin oo ku sheegay in ay tahay xaqiiqo raadin
xanuuno la sheegay in uu geela laynayo taas oo uu sheegay in la waayey
oo aanay jirin isagoo ta labaadna ku sheegay in ay tahay daweyneynta
xoolaha buka.
Axmed
Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada
Xannaanada Xoolaha oo kulan kan oo ka dhacay xarunta Gobolka Sool ayaa
waxa uu sheegay in safarkooda uu ka soo bilaabmay Caynabo, ayna soo
mareen dhamaan degaanada ay cabashooyinku uga yimaadeen, waxana uu xusay
in weli ay jiraan dhul u dhiman ha u badnaado Hawdka.
"Xoolaha
aan la kulanay dhawr arimood ayaa sabab u ah dhimashadooda, kan
dhalada ku jiraa waa Sangaale waxana uu baabiiya dhulka neefmareenka
taas oo sababta in neefku waasho, tan labaad dhir badan oo barwaaqadu
soo saartay oo xoolaha dhib ku haya marka ay cunaan iyo dadka oo xoolaha
ku shubaya waxyaabo badan sida Badhi, Xabaasuud, Shanfax iyo waxyaabo
badan oo waxyeelo u geysanaya" ayuu Dr. Axmed.
Kulankan
ayaa waxaa ugu danbayn ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani
Jiidhe ayaa waxaa uu tiimkan ka codsaday in si aad ah ugu kuurgalaan
dhibaatooyinka xoolaha nool haysta ee ku soo noqnoqonaya.
Dhibaatada
mudooyinkii la soo dhaafay soo wajahay geela ayaa dadku waxay siyaabo
kala duwan u macneeyeen iyadoo ay kooxdan dhakhaatiirta ah sheegeen in
haatan xoolihii ay soo mareen ee ay daweeyeen aan laga soo sheegin wax
dhib ah oo dambe kuwii bukayna ay ladnaadeen, waxaanay ka codsadeen
dadka xoolaleyda ah in marka ay dareemaan dhibaato ku timi xoolahooda ay
la soo xidhiidhaan xafiisyada xannaada xoolaha.
Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo sheegtay in laga been sheegay dhimashada geela Gobolka Sool
Masuuliyiin ka socda Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo mudooyinkii la soo dhaafay baadhitaan ku wadey xoolaha Gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in si qaldan warbaahinta qaarkood baahiyeen xanuun 3000 oo neef ku diley G. Sool, waxayse qireen