Magacyada 2-daWafdi ee ka kala socda DFS iyo Soomaa liland oo ku kulmaya dalka Jabuuti.

0
Saturday June 13, 2020 - 20:36:13 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada 2-daWafdi ee ka kala socda DFS iyo Soomaa liland oo ku kulmaya dalka Jabuuti.

    Warar ay heshay saxaafadda ayaa sheegaya in Madaxda ka qaybgalaysa wadahadalka Somaliland iyo So omaaliya, ay todobaadka soo socda ay degi doonaan wadanka Djibouti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar ay heshay saxaafadda ayaa sheegaya in Madaxda ka qaybgalaysa wadahadalka Somaliland iyo So omaaliya, ay todobaadka soo socda ay degi doonaan wadanka Djibouti.       Wufuudda 2da dhinac oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa Toos u kulmi doona xilliga dahadalka, waxaana goob joog ka noqonaya dawladda Maraykanka, Midawga Afrika, Midawga Yurub, iyo xubno beesha Caalamka ee kale ka socda.

     Madaxweynaha Somaliland ayaa horraantii Sanadkan baarlamanka ka sheegay in Somaliland ay kula xaajoon karto Soomaaliya Meel ay beesha Caalamku goob joog ka tahay,waxaana ay u muuqataa in taasi la tixgaliyay.

haddaba Xubnaha la filayo inay Soomaaliya iyo Somaliland ku matalaan kulanka Jabuuti: ayaa magacyadooda ay kala yihiin sida tan:-


                          Dhinaca Somaliland:-

1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

2- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

3- Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon

4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin

5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.

Dhinaca Soomaaliya:-

1- Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Ma jiraan weli xogtaasi ka dheer oo laga helay kulanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip