Madaxweynaha Jabuuti iyo taliyaha AFRICOM oo ka wada hadlay howlgalada ka socda Soomaaliya.

0
Saturday June 13, 2020 - 20:27:53 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti iyo taliyaha AFRICOM oo ka wada hadlay howlgalada ka socda Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa ka wada hadlay Hawlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya iyo xanuunka COVID 19. Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa ka wada hadlay Hawlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya iyo xanuunka COVID 19. Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga qaarada Afrika ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend waxa uu booqasho ku tegay dalka Jabuuti, isagoo la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hoggaamiyayaal kale oo ka tirsan Madaxda dalkaasi. Waa Socdaalkii u horeeyey ee uu Taliyaha AFRICOM ugu soo ambabaxo, tan iyo markii uu Caalamka ka dillaacay xanuunka dilaaga ag ee Coronavirus. Jeneral Stephen Townsend waxa uu tilmaamay in ay Jabuuti tahay Isbahaysi muhiim u ah Maraykanka, isla markaana ay sii wadi doonaan Xoojinta Xiriirka Joogtada ee labada dal. Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM muujiyeen Hoggaamintooda ku aadan Taageeradda La-dagaalanka Alshabaab ee Somalia. Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga 1,800 Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waxaana fadhigooda yahay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend waxa uu Dowladda Jabuuti kaga mahad celiyey taageerada hagar la'aanta ee ay siiyeen Hawlgalladda Loojistikada ee AFRICOM, xilligii lagu guda-jira Ka-hortaga COVID 19, wuxuuna ku ammaanay sida ay Jabuuti guusha uga gaartay Xakamaynta COVID 19.
               Jeneral Stephen Townsend waxa kaloo uu Saldhiga Maraykanka ee Camp Lemonnier kula kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cabdi Yuusuf iyo Xasan Cumar Maxamuud Burhaan iyo iyo Taliyaha Guud ee Milliteriga Jabuuti, Daahir Cali Maxamed.

               AfRICOM ayaa mudooyinkii dambe yareeyay weeraradii dhanka Cirka ahaa ee ay ka gaysanjireen guddaha Soomaaliya, ka dib markii Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay uu ku dhawaaqay guud ahaan xabad joojin sababo la xariira ka hortaga xanuunka Covid-19.

 

 

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip