Xaaladaha dhimashada COVID-19 ee dalka oo korodhay

0
Saturday June 13, 2020 - 20:17:42 in Wararka by
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladaha dhimashada COVID-19 ee dalka oo korodhay

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay goor dhow ka xog warantay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka, sideed iyo afantii saac ee la soo dhaafay. Warbixinta maalinlaha ee COVID-19 ayaa waxaa lagu sheegay in dalka laga diiwaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay goor dhow ka xog warantay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka, sideed iyo afantii saac ee la soo dhaafay. Warbixinta maalinlaha ee COVID-19 ayaa waxaa lagu sheegay in dalka laga diiwaangeliyay 66 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay deegaanada Somaliland. Somaliland ayaa waxaa laga diiwaangeliyay 46 xaaladood oo cusub, Puntland 12, Banaadir 5, Koonfur Galbeed 2 iyo hal xaalad oo laga diiwaangeliyay Jubbaland, taa oo wadarta guud ee dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysa 2,579.        55 ka mida bukaanada cusub waxaa weeye rag, halka 11-ka kalana ay dumar yihiin, sida ku cad Jadwalka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ee gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay.

Jadwalka waxaa lagu muujiyay in 27 bukaan ay haataan ka bogsadeen xanuunka, waxayna taasi tirada guud ee xanuunka ka bogsatay ka dhigeysaa 559 qof.

               Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay dalka ka diiwaangelisay 2 xaaladood oo dhimasho ah, tirada xanuunka dalka ugu geeriyootayna waxay gaareysaa 87 ruux.

              1,933 bukaan ayaa iminka gudaha dalka ugula ildaran cudursidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, waa sida ay Wasaaradda Caafimaadka ku xustay jadwalkeedaan ugu dambeeyay.

              Markaad fiiriso tirada xanuunka ka bogsaneyso waxaa in badan ka badan tirada maalinlaha, ee loo diiwaangelinayo inuu xanuunka soo ritay, waana arrin walaaceeda leh.

            Fariimaha Waaxda Caafimaadka ee dalka ayaa ah in bulshada ay ku dhaqanto talooyinka caafimadeed ee loo jeedinayo, taa oo suurtagal ka dhigi karta mid xadida xanuunka dalka ku faafaya maalinba maalinta ka dambeysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip