Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweysay Guddiga loo xil saaray isu keenidda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

0
Saturday June 13, 2020 - 09:25:23 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhaweysay Guddiga loo xil saaray isu keenidda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

    War kasoo baxay Madasha Xisbiyada qaran ayaa lagu soo dhaweeyay xubnaha Guddiga ah ee uu xalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi si ay u dhexdhexaadiyaan DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Madasha Xisbiyada qaran ayaa lagu soo dhaweeyay xubnaha Guddiga ah ee uu xalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi si ay u dhexdhexaadiyaan DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

                Qoraalka ayaa lagu taageeray dadaalada golaha ay u qaadayaan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyadaan ku kala durqay Siyaasadda, maadaama danta kawada dhaxeysa ay tahay Doorashada dalka.

          "Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka”ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

         Sidoo kale Madasha waxa ay soo dhaweysay xal waliba oo lagu gaari karo xasilooni siyaasadeed, Doorasho xor ah oo ku dhacda waqtigeeda, is faham iyo dhan looga soo wada jeesto maslaxada dalka.

            "Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah”ayaa lasii raaciyay hadalka.

              Qoraalka waxaa rajo wanaagsan lagu muujiyay in arrintaan ay horseed u noqoto isqancin iyo wax waliba lagu dhameeyo wada hadal "Waxaan ka  rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip