Wararkii u dambeeyay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ka dhacaya

0
Saturday June 13, 2020 - 18:57:19 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u dambeeyay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ka dhacaya

    Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa todobaadkan dib uga bilaaban doona dalka Jabuuti, kaddib sanado oo uu hakad ku jiro, waxaana markaan wada hadaladu ay noqon doonaa kuwo ka duwan kuwii hore, marka loo eego wafdiga Miisaanka culu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa todobaadkan dib uga bilaaban doona dalka Jabuuti, kaddib sanado oo uu hakad ku jiro, waxaana markaan wada hadaladu ay noqon doonaa kuwo ka duwan kuwii hore, marka loo eego wafdiga Miisaanka culus ee dowladda Soomaaliya ku tageyso shirkaas. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre ay shirkaas ka qeyb geli doonaan, halka dhanka Somaliland wafdi culus oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ka qeyb geli doonaan. Wada hadaladan waxaa gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana uu ahaa barnaamij muddo laga soo shaqeynayay oo ku hoos-jira is dhex galka Gobolka Geeska Afrika oo ah sidii bulshada ku dhaqan Geeska Afrika u dhex mari lahaa is dhex gal dhaqan dhaqaale. Hase ahaatee waxaa su'aalo badan ay ku wareegsan yihiin wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland xilliga uu ku soo aaday, iyo suurta galnimada inuu noqon karo mid si masiiri ah loo wada hadlo, marka laga reebo shirarkii horay u qabteen dowladihii hore oo aan haba yaraatee arrimaha Masiiriga lagu soo qaadin. Sidoo kale iyana waxaa ay calaamad su'aal dul saaran tahay sida Madaxweyne Farmaajo ugu dhiiran karo go'aamada dhanka masiiriga ah ee lagula xaajoon karo Somaliland, maadaama muddo xileedkiisa gabaabsi ah ay ku soo aaday wada hadaladan. Si kastaba ha ahaatee waxaa la is weydiiyaa kala guurka siyaasadeed ee ay Soomaaliya gashay iyo culeysyada Madaxweynaha saaran sida uu ugu xallin karo wada hadalka uu la galayo Somaliland, tiiyo ay jirto in Madaxweyne Farmaajo la heshiin la'yahay maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ay muddo sanado ah is maandhaaf siyaasadeed u dhaxeeyo.
..

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip