Wasiirka Amniga iyo Wakiilka QM oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka

0
Saturday June 13, 2020 - 18:27:11 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga iyo Wakiilka QM oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka

    Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa manta xerada Xalane ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa manta xerada Xalane ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulanka intii uu socday diirada lagu saaray waxaa ka mid ah sidii loogu diyaar garoobi lahaa sugida amniga xilliga doorashooyinka iyo wada shaqeynta labada dhinac. Wasiir Islow oo qoraal kooban oo uu ku faah faahinayay kulanka soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka arrinsadeen saddex qodob. "Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, James Swan oo aynu ka wada hadalnay xaaladda dalka, wada shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga suggidda amniga xilliga doorashooyinka" ayuu yiri Wasiirka amaanka Soomaaliya. Ma jiro wali wax war ah oo uu kulankan ka soo saaray Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan, iyadoo Caalamka si dhaw ula socdo xaalada kala guurka ah ee wadanka uu galay, xili ay gabaabsi tahay mudo xileedka madaxweyne Farmaajo.

           




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip