Maxkamad la soo taagay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo musuq maasuq loo heysto

0
Saturday June 13, 2020 - 17:25:22 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad la soo taagay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo musuq maasuq loo heysto

    Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto 10 ruux oo kamid ah shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya. Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday oo isugu jiro Agaasime waaxeedyo iyo A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadaha loo heysto 10 ruux oo kamid ah shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya. Dadka maanta maxkamada ka soo hormuuqday oo isugu jiro Agaasime waaxeedyo iyo Agaasimaha guud oo dhawaan uun xabsiga laga sii daayay, ayaa loo heystaa lunsashada xoolo dadweyne, iyadoo maalmihii danbe diyaarinta gal-dacwadeedkooda uu socday. Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Cabdi khaddar Maxamed Xasan oo goob joog ka ahaa maxkamada ayaa sheegay iney tahay fal foolxun in shaqaalaha dowladda lagu soo eedeeyo arrimo la xiriira musuq maasuq, halkii ay eheyd iney iyaga la dagaalaan musuqa. Hay'adaha baarista ayuu faray iney si adag ula socdaan oo ay baaris dheeriya ku sameeyaan shaqaalaha xafiisyada dowladda, iyadoo cidii musuq lagu helana aan loo sameyn doonin wax cafis ah, sida uu sheegay. Waxyaabaha dadkan loo heysto waxaa kamid ah musuq maasuq ay ku sameeyeen qaar kamid ah taageeradii caalamka intii dalkan la siinayay kaalmooyinka ay uga hor-tagayaan la dagaalanka xanuunka Covid19, waxaana suuqyada caasimadda lagu kala gadanayay qaar kamid ah agabkii Caronavirus.

             




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip