HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 13-JUNE-2020

0
Saturday June 13, 2020 - 10:37:23 in Wararka by
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 13-JUNE-2020

    Maxaa loo fasiran karaa cadaadiska Mareyk anka ee Dowladda Federaalka? Mareykanka ayaa bilaabay in uu DFS ku ca daadiyo inay la kulanto Madaxda Maamul Go boleedyada, si xal uga gaaraan arrimaha ay isu hayaan, oo ay ugu muhiimsan tahay doora sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa loo fasiran karaa cadaadiska Mareyk anka ee Dowladda Federaalka? Mareykanka ayaa bilaabay in uu DFS ku ca daadiyo inay la kulanto Madaxda Maamul Go boleedyada, si xal uga gaaraan arrimaha ay isu hayaan, oo ay ugu muhiimsan tahay doora shada dalka. Caalamka ayaa daneynaya in dal ka ka qabsoomto doorasho ugu yaraan heshiis lagu yahay. Cadaadiska Mareykanka ee xilligan ayaa wa xaa soo dedejisay, markii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, ay DFS ku eedeeyeen inaanay daacad ka ah ayn doorasho xor iyo xalaala oo dalka ka dhacda. Agaasimaha Machadka Heritage, Cabdira shiid Khaliif Xaashi ayaa cadaadiska Mareykan ka ee DF ku tilmaamay mid lagu cannanayo Villa Somalia. Agaasimaha oo la hadlay Laanta afka So maliga ee VOA ayaa sheegay in dunida ay si hoose ula hadashay DF, hase ahaatee aynaan fahmin, taasina ay dhabaha u xaartay hujuum ka xilligan soo wajahay. "Safaaradda Mareykanka, QM & Golaha Ammaanka muddo dheer bay ku celcelinaye en, sida bulshada rayidkaba ugu celcelineys ay, saamileydu iyo dadka siyaasadda isla leh banooniga inta ay dhulka dhigaan ha tashada an muddo dheer baa lagu celcelinayay. Dowladana anagaa dalkan ka talina hanala daayo bay siyaasadeedu ahayd, marka hoos waa loola hadlay, hoostii bay macnaha wax ku fahamsiin waayeen, si sarbeeb xigeena baa Golaha Ammaanka ee QM looga soo saaray, waa ku fahmi waayeen, marka hadda barta Twitter-ka in lagu yiraahdo Villa Somalia sida sharcigu qabo inay Maamul Goboleedyaa la tashato waa cannaan iyo indho gaduudis wa aye. Marka waa quus camal in laga quustay, dadkana la fahamsiinayo waxay aaminsan yihiin, adduun baa hawshaan nala ogoo, nala wadana biyo looga dhibcinayo oo liin looga da adinayo camalna way u egtahay." Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage. Mar la weydiiyay waxa tani xiggi kara ayuu ku jawaabay "Laba uun baa dhici kara xala yna aan ku qoray barta Twitter-ka. Dad raba in dib loo doorto oo Madaxtooyada raggaasi fadhiya ay ugu horeeyan oo doorasho keliya indhahooda arkaan iyo dad ay ka go'an tahay inaysan nimankaasi sidii doorasho ay ku heli lahaayen ay u sii salaxdaan ku khasbin, baa is hortaaganoo iskuna jeeda. Markan haddaan adduunyada imaan marka u dambeyso in la ce eboobo ayaa imaaneysa, oo fara taag taag iyo fowdo loo gudbo, ileen hadda hadal, cannaan, qaylo dhaan iyo waraaqaa socdo." Cabdirashiid Khaliif ayaa qaba haddii ay naan Siyaasiyiinta Soomaalida si dhow uga wa da hadlin xal u helidda mushkiladaan taagan, ay xaajada ku soo idlaan donto sumcad xu mo. "Haddii aysan dadkaas aqbalin inay miiska intay fariistaan dhahan war sidee waxaan, wax xalaala oo qofna aan dhibeen, qofna uusan ku daneysaneen, see u samayn karnaa haddaan la dhihin, waxay ku tageysaa faro taag taag, ce eb iyo fowdo." Ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif. XIGASHO:-VOA


Sheikh Sharif oo soo dhaweeyey Gudiga Cabdi Xaashi magacaabay

   Madxweynihi hore ee Soomaaliya ahna Gu doomiyaha madasha Sharif Shiikh ayaa she egay inen soo dhaweynayaan guddiga uu ma gacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-ke enista madaxda 2da heer Dowladeed iyo qab soomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020 /2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka.

    "Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dha xeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” Ayu yiri Sharif Sheikh Axmed

    Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbal ka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo.

    Hadalka Sharif ayaa imaanaya xili madaxwe yne Farmaajo ku qanacsaneyn haws isu so dhawaanshaha ee uu Cabdi Xaashi magacaa bay

Wasiir sheegay in loo diiday taageerada Dowladda Somalia oo is casilay

    Wasiir kuxigeenka Amniga D/G/Hir-Shabel ele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa ku dhawaaqay ininuu iska casilay xilkii W/kuxige enka Amniga maamulk aas.

    Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Bel edweyne ayuu ku sheegay inay timid kadib markii Taliyaha Booliiska Gob olka uu joojiyey banaabax lagu taageerayey DFS oo uu Wasiir kuxigeenka qeyb ka ahaa.

      Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxwe ynaha Hir-Shabeelle, iyada oo la joogo dhama adka muddo xileedkooda uu kasoo horjestay dowladda Soomaaliya,isla markaana uu diiday in Bulshada ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan taageero ay u hayaan Madaxda Dowlad da. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in laama ha amniga Hir-Shabeelle ay Xabsiga dhigeen Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Mid kamid ah wariyaasha baladweyne ee duub ayey Banaabaxa,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay inya guddi u soo dirto xaalada ka jirta Magaaada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay laba Wasiir, kadib iscasilaadii Wasiir ka tirsanaa Maamulkiisa

    Madaxweynaha Maa mulka Hirshabelle Max amed Cabdi Waare ay aa qoraal uu soo saa ray wuxuu ku magacaa bay laba Wasiir oo ka mid noqonaya Maamulkiisa.

    Warqadda ka soo baxday Xafiiska Madaxw eynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in Xilalkii laga qaaday Wa siir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Md. Gee lle isaaq Iyo Wasiiru Dowlihii W/Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle Md. Lu qmaan Haji Baarqab, iyadoo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka amniga Md.Xasan Maxam ed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Md. Yuusuf Sh. Xasan Macalin.

    Inkastoo magacaabistaan waqti dambe oo xalay ah soo baxday ayaa haddana waxaa xu sid mudan in Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabelle uu iska casilay xilkaasi kadib markii shalay Banaanbax ka dhici rabay M/Baledweyne laga joojiyay, islamarkaana Ba naanbaxaasi uu ka qayb galaayay Wasiirka iscasilay.  Hirshabelle ayaa deeganada ay ka taliyaan waxa ay ka joojiyeen in lagu qabto Ba naanbax lagu taageeraayo Madaxda DFS

 


Taabit "Dowladda Federaalka waa inay tallooyinka dhageysato oo aysan abuurin…”

     Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Ca bdi Maxamed oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Aw oodda Shacabka ayaa ugu baaqay DFS inay waaqici noqoto oo ay dhageysato tallooyinka loo soo jeedinaayo xilligaan ka la-guurka ah.

Taabit ayaa sheegay in la joogo xilli xasaasi ah oo u baahan in looga gudbo dabeecad Qaran iyo tanaasul.Sidoo kale waxaa uu muujiyay in DFS ay halis ugu jirto in kaalinteedii lala qe ybsado, haddii ay sidan wax ku sii socdaan.

     Waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogaadaan hadallada abuuraya rajo beelka Shacabka

Halkan hoose ka akhriso:-

     Marxaladda kala-guurka ah waa ineysan no qon mid abuurta naceyb, fowdo iyo is eedeyn. Waa xilli u baahan in qof walba uu xaqiiqada la fal-galo. Waa waqtiga ugu xasaasisan, waxa ana looga gudbi kara dabeecad qaran iyo dan ta guud oo loo tanaasulo.

     Qoraalladii Aqalka Sare, D/Gobolleed yada qaarkood iyo Safaarad da Ma reykanka waxey bidhaamiyeen baahida loo qabo wadahadal.

DFS waxaa hortaal iney waaqici noqoto, tallo oyinka dhageysato oo aysan abuurin jawi dhi isha lagu wada cugo.

     Awrka raran usha u dambeysa baa dhabar ka ka jebisa ee tan hore ma’ahan, Dowlad wal bana xilliga u dambeeya ayay is-furataa ama rarku ka furtaa.

    Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu dulsaar an qalin iyo buug, waxeyna diiwaanka ku qori doonaan siyaasi walba oo majaxaabiya rajada Qaranka iyo fursadooda ka qeyb noqoshada hayaanka dowladnimo loo dhanyahay, sidaa darteed waa in aan hubinaa hadalkeena iyo ficilkeena, oo aanan dhiilo xun abuurin.

Mahad-badan

Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan G/Hiiraan oo la kala qaaday

     Taliska Guutada 15aad oo kaashanaya Tal iska Qaybta 27aad ayaa ku guuleestay inay kala qaadaan maleeshiya adkii dhawaan ku dagaala may deegaanada’ Mirijiba aley,Ceyrdaye iyo Miirac ad oo dhamaantood hoos taga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan oo dadkaasi wada degaan.Taliyaha Guutada 15a ad Janeraal Mascuud maxamed oo hoggaam inayey saraakiisha iyo Ciidamada Guutada ayaa maalintii shanaad ku hoyanaya deegaa nadaas hoowdka ah ee lagu dagaalamay si xal looga gaaro dagaal beeleedkii halkaasi ka dhacay.

     Sidoo kale deegaananda Mirijibaal ey,Cey rdaye iyo Miiracad oo hoostaga degmada Ma xaas ayaa waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    War kasoo baxay Taliska Guutada 15aad ay aa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay guud ahaan xaqiijiyeen amniga deegaannada lagu dagaalamay,isla markaana ay kala qaadeen 2dii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in ay bilaawdaan shirar looga hadlayo xal kag aarista colaada sokeeye oo aagaas ku dhex marta dadka wada daga gobolka Hiiraan & Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

    Dagaaladaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay Habeen hore ka dahcen deegaano ka tirsan G/Sh/Hoose,waxaana ay u dhaxeeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

    agaaladaan ayaa ka kala dhacay degaanna da Awdhegele iyo Bariire,kadib markii Sal dhigyada Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxa ana deegaannadaasi ka dhacay dagaalo xoogan.

Dadka ku nool degaanna da Awdhegele iyo Bariire ayaa waxaa ay Risa ala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasa asta ay isku ridayeen 2da dhinac ee Ciidam ada Dowladda & Al-Shabaab,hayeeshee aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dag aalka.

     Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ur urka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

    Wararkii ugu dambeeyay ee Shalay aan ka heln  degaannada Awdhegele iyo Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgallo kala duwanka wadaan duleedka deegaannadaas.

Puntland oo shaqada ka joojisay taliyeyaal Ciidan

    Taliska Booliska D/G/Puntland ayaa Sha qadii ka joojiyey 2taliye oo muuqaalo ka duub ay dhalinyaro ku caweyneysay duleedka M/Qa rdho ee Gobolka ay Puntland u taqaano Kar kaar.

    Dhalinyarada muuqaalada laga duubay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxaa ay ku ca weynayeen duleedka Ma/Qardho,waxaana muuqaalada ay Booliska ku faafiy een Baraha Bulshada,taas oo ay ka dhalatay falcelin ay sameeyeen inta badan dadka ku nool deeg aa nnada Puntland.

   Taliyaha Ciidamada Booliska Pu ntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare) ayaa sheegay in dhacdadaas ay Guddi bari ku sameeya ay u xil saareen,isla mark aana Guddigaas ay u soo gudbiyeen in si qaldan ay Saraakiisha ciidamada Booliska Go bolka Karkaar ay Shacabka ula dhaqmeen.

    Waxaa uu sheegay in uu Shaqada ka jooji yey Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Gob olka Karkaar  Jaamac Cismaan Qarey iyo Tali yaha saldhigga degmada Qardho Cumar Hiir ad Kaatun,kuwaas oo kasoo muuqday Muuqa alada ay Booliska duubeen,isaga oo raali gelin ka bixiyay falkaasi ay Ciidamada Booliska sam eeyeen. 8-dii Bishaan ayaa waxaa Baraha Bu lshada lagu faafiyey muuqaalada dhalinyaro is ugu jira rag iyo dumar,kuwaas dab ku shitay duleedka M/Qardho, iyaga oo caweynayay, waxaana falkaasi si aad ah uga fal celiyay dadka ku su gan deegaa nnada Puntland.

Imaaraadka oo codsi naadir ah u diray shacabka Israel

   Israel ma filan karto inay caadi ka dhigto xirii rkeeda dunida Carabta, haddii ay goosato qe ybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed, waxaa sidaas wargeyska ugu caansan Israel Shalay ku qoray safiir u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

    Qaar ka mid ah saraakiisha Israel ayaa ku gacan seeray guuxa ah in ku darsashada qe ybo ka mid ah Daanta Galbeed ay hoos u dhigi doonto isu soo dhowaansho ay la sameynaya an qaar ka mid ah dalalka Carabta – gaar ahaan ku wa Khaliijka – oo Israel ay wadaagaan walaaca laga qabo Iran.

Hase yeeshee, codsi naadir ah oo sarkaal Car beed uu u diro shacabka Israel, ayaa safiirka Imaaraadka ee Washington Youssef Al Otaiba waxa uu ku sheegay in tallaabadan ay noqon doonto "la-wareegis sharci-darro ah” oo lagu sameeyo dhul ay Falastiin dooneyso inay dal ka dhigato.

      "Ku-darsashada waxay xaqiiqdii si deg deg ah meesha uga saari doontaa damaca Israel ee ah inay xiriir ku saabsan hormurinta amn iga, dhaqaalaha iyo dhaqanka la yeelato duni da Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta,” ayuu Youssef Al Otaiba ku qoray wargeyska lo ogu aqriska badan yahay Israel ee Yedioth Ahr onoth, oo lagu daabaco luuqadda Hebrew-ga.

      Israel wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama lahan dalalka Khaliijka, hase yeeshee waxay wadaagaan walaaca ay ka qabaan saameynta Iran ee gobolka, taasi oo keentay inuu usoo no olaado xiriir kooban oo ay yeeshaan.

      Bishii May, shirkadda diyaaradaha ee fadh igeedu yahay Abu-Dhabi ayaa duulimaadkii u gu horreeyey inta la ogyahay ku tagtay Israel, ayada oo gaargaar loogu talo-galay cudurka Coronavirus u sidda Falastiiniyiinta.

      "Dhammaan horumarrada aad aragteen iyo mowqifyadii ku wajahaan Israel ee isbedela yey, dadkii oo noqonayey kuwa sii ogolaanay Israel, oo yareynayey cadaawaddooda ku waj ahan Israel, waxaa gebigood waxyeeleyn doo na go’aanka Israel ay ku goosaneyso dhulka Falastiin,” ayuu Al Otaiba ku yiri muuqaal wehli yey maqaalka lagu qoray wargeyska. Masar & Jordan ayaa ah labada dal ee Carbed ee kal iya ee xiriir rasmi ah la leh Isra el. Dowladda Is rael ayaa damacsan inay kow da July billowdo ka doodista qorshe ay ku go osaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Gl beed.


Mareykanka oo digniin u diray muwaadi niintiisa ku sugan Jabuuti

      War kasoo baxay Safaaradda Mareykan ka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa waxaa di gniin culus loogu diray mawaadiniinta u dha shay dalka Mareykan ka ee ku nool Gudaha dalkaasi Jabuuti.

     Qoraalka safaarada ayaa lagu sheegay in digniintaan ay daba so coto banaanbax ay mu caaradak dalka Jabuuti qorsheynaya an Shalay oo jimce Aheyd,kaas oo ay ka dha lan karaan rabshado saameyn kara mu waadiniinta u da shay Mareykanka ee ku sugan Jabuuti.

    Dibadbaxa ay mucaaradka dhigayaan ayaa waxaa uu yahay mid looga soo horj eedo xa riga iyo waliba jir-dilka loo geystay Duuliye Fu’ aad Yusuf oo ka tirsan Ciid amada Cirka ee dowladda Jabuuti.

      Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waxaa ay uga digtay muwaadiniinteeda inay tagaan Xaafadaha kala ah, Sheekh Muuse, PK12, Ga roonka Guuleed iyo Balbala, halkaas oo ban aanbaxyada ay ka dhici karaan.

       D/Mareykanka ayaa waxaa ay kamid tah ay dowladaha taageerada siiya dowla dda Ja buuti,waxaana Gudaha dalkaasi ku leedahay Saldhig weyn oo ay ka howlgalla an Ciidama da howlgalka Mareykanka ee Afrika ee loo yaq aano ( Africom).

Mareykanka oo cunna qabateyn ku soo rog ay saraakiil ka tirsan Maxakamadda ICC

    Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay sara akiisjha maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambi yo dagaal ka geysteen Afqanistaan iyo in kale.

     Amarkan madaxwayne ayaa u ogolaanaya Mareykanka inay xayiraan hantida shaqaalaha maxka mada caalamiga ah ee ICC is lamarkana ka hor istaagaya in ay Mareykanka soo galaan.

      Baaritaanka maxkamada ICC ayaa bilaa bmay ka dib markii warbixin hordhac ah lagu ogaaday inay jiraan sababo lagu rumaysan karo in dambiyo dagaal ay dhac een.

     Mr.Trump ayaa marar badan cambaare ey ay maxkamada islamarkana waxaa uu su’aal galiyay madaxbanaanideeda.     Mareykanka ka mid aha saxiixayaasha cahdigii lagu dhisay maxkamada ICC ee fadhigeedu yahay Hague, islamarkana ma aqoonsana awoodda ay ma xkamada u leedahay inay dacwad ku qaado muwaad iniinta Mareykanka.

      Khamiistii, wax yar uun ka dib markii amar kan madaxwaynaha la saxiixay ayuu xoghaya ha arrimaha dibadda, Mike Pom peo waxuu sheegay in Mareykanka "ay san u hanjabi Kar in maxkamad aan rasmi ahayn”.

   Waxaa uu intaa ku daray incuna qabata yntan ay xitaa qeyb ka noqon karaan xubnaha qoysaska saraakiisha Maxkama da in laga ho rtago inay Mareykanka soo booqdaan.

     Xeer ilaaliha guud ee Mareykanka William Barr, ayaa horey u sheegay "in dalal shisheeye sida Ruushka ay galaan gal ku yeelanayaan maxkamada ICC iya ga oo ka leh u jeedooda gaarka ah ".

    Maxkamada ICC wali kama aysan ka jawaa bin tallaabadan ugu dambeysay ee Marey kan ka, balse hay’adaha u dooda xuquuqda aada naha ayaa cambaareeyay tallaabada Mareyk anka.

    "Weerarkan lagu qaaday ICC ayaa ah dad aal lagu doonayo in lagu hor-istaago in cadaa lad loo helo dambiyada culus ee ka dhacay ha ddii ay ahaan lahayd Afghanist an, Israa’iil ama Falastiin,” waxaa sidaasi sheegtay An drea Prasow, oo ah agaasima ha hay’adda xu quuqda aadanaha ee Hum ans Rights Watch, u qaabilsan Washinton.

       "Wadamada taageera cadaalada caal am iga ah waa inay si cad uga soo horjeed sadaan isku daygani aan geedka loogu soo gaban ee cadaalada lagu horistaaga yo,” ayay intaa ku dartay.

Ra’iisul Wasaaraha Suuriya oo xilkii laga qaaday

    Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad ay aa xilka ka qaaday R/wasaarihii dalkaas Imad Khamis xilli Suuriya ay ka taagan yihiin dibadb axyo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee same ysay halkaas.

   Warbaahinta dowladda ma aysan shaa cin sababta go’a ankan xilka looga qaaday Ra’iisul wasaare Kh amiis kaas oo xilka hayay tan iyo sanndkii 2016-kii.

       Waxay arrintani imaaneysa xilli mag aa la da Suweida ay ka dhaceen dibadbax yo lo oga soo horjeedo dowladda oo lagu codsan ayay in xilka u ka dego Bishar Al Asad.

     Qiimaha lacagta Suuriya ayaa hoos u dhac ay, waxaana sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado raashinka.

   Dowladda waxay ku eedee yasay dhaqaale xumida ka taagan Suuriya cunaqabate ynta ay kusoo rogeen dalal ka reer galbeedka iyo farag alin lagu hayo isbaddalka lacagaha dalka.

Turkiga oo diiday qorshe ay Masar u soo jeedisay Libya

    Turkey ayaa Arba cadii diiday hindise xabad-joojin looga hir gelinayo Libya oo ka yimid Ma sar, ayada oo sheegtay in qor shahaas looga dan leeyahay in lagu bad baa diyo Jeneral Khal ifa Haftar ka dib markii uu fashilmay weer arkii uu doonayey inuu ku qab sado caasimadda Tri poli, waxaa sidaas weri yey wargeyska Hurri yet.

      Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowla dda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul was aare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay 7baadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar soc day 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka.

     Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billa aban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hi ndise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ay aa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka.

     Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Tur key Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan seeray hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadin ayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaaray aagga dagaalka.

"Dadaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxiixo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay warge yska Hurriyet. "Baaqa xabad-joojinta lagu bad baadinayo Haftar nooguma muuqdo mid cad daalad ah ama aan aamini karno.”

     Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinac yada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac.

WHO oo ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafo Afrika

    Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafayo qaaradda Afrika, halka as oo laga soo tebiyay kiisas yar marka loo barbardhigo caa lamka intiisa kale.

    Cudurka waxaa uu si weyn u saameeyay ila a 10, waxay qaara adda xaqiijisay ilaa 200,000 qof oo ku dhacay feyraska Korona, sida ay she egtay madaxa WHO u qaabilsan Afrika Dr Mat shidiso Moeti.

     Cudurka ayaa si weyn u saameeyay K/Afr ika, xaaladda ka taagan gobolka Western Cape waxay lamid tahay midda haa tan ka jirta Yurub.

     Inta badan cudurka wuxuu ku baahay magaalooyinka iyo dhulka ka baxsan balse cudur ka uu haatan u muqdo mid ku baah ayo magaal ooyinka waaweyn ee qaaradda, sida ay shee gtay Dr Matshidiso Moeti.

     Waxay sidoo kale sheegtay in caqabadaha ugu weyn ee heysta qaaradda ay yihiin qalab ka cudurka lagu baaro iyo agabka kale ee ka hortagga cudurka.

Wafdi ka socda DFS iyo Sooma-aliland oo kulmaya…

            Warar ay heshay KNN ayaa shee-gaysa in Madaxda ka qaybgalaysa wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, ay tod-obaadka soo socda ay degi  doonaan wadanka Djibouti.

            Wufuudda labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Far-maajo, ayaa Toos u kulmi doona xilliga dah-adalka, waxaana goob joog ka noqonaya  dawladda Maraykanka, Midawga Afrika, Midawga Yurub, iyo xubno beesha Caal-amka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip