Galmudug oo sheegtay inay diyaariyeen Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

0
Friday June 12, 2020 - 22:26:15 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo sheegtay inay diyaariyeen Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in Galmudug ay wado qorshooyin mideyn iyo dib u dhis loogu sameeynaayo Ciidamada Galmudug. Waxaa uu sheegay in Galmudug ay sameyneyso Ciidamo Daraawiish iyo kuwo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in Galmudug ay wado qorshooyin mideyn iyo dib u dhis loogu sameeynaayo Ciidamada Galmudug. Waxaa uu sheegay in Galmudug ay sameyneyso Ciidamo Daraawiish iyo kuwo boolis ah oo leh tababar Casri ah si ay u sugnaan Amniga Guud ee deegaannada Galmudug ee ku jira Gacanta Maamulka. Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Ciidamadaas ay ka qeyb qaadaan doonaan sugitaanka Amniga iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Galmudug. Saddexdii Todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Galmudug ay la wareegeysay maleeshiyo Beeleedyada hubeysan ee ku sugan Gobolka Mudug,kuwaas oo laga dhigi doono Ciidamada Daraawiishta Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip