Dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0
Friday June 12, 2020 - 22:17:59 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

    Dagaaladaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay xalay ka dahcen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ay u dhaxeeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Dagaaladaan ayaa ka kala dhacay degaannada Awdhegele iyo Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaaladaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay xalay ka dahcen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ay u dhaxeeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Dagaaladaan ayaa ka kala dhacay degaannada Awdhegele iyo Bariire,kadib markii Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana deegaannadaasi ka dhacay dagaalo xoogan. Dadka ku nool degaannada Awdhegele iyo Bariire ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac ee Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,hayeeshee aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka. Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen. Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaannada Awdhegele iyo Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgallo kala duwanka wadaan duleedka deegaannadaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip