Waare oo amray in aan Beledweyne lagu qaban banaanbax lagu taageerayo dowladda

0
Friday June 12, 2020 - 22:08:02 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waare oo amray in aan Beledweyne lagu qaban banaanbax lagu taageerayo dowladda

    Maamulka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa dadka ku nool Magaaladaasi uga digay inay qabtaan banaanbax lagu taagerayo madaxda Dowladda Soomaaliya,isla markaana ay sheegeen in la mamnuucay. Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Cisma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa dadka ku nool Magaaladaasi uga digay inay qabtaan banaanbax lagu taagerayo madaxda Dowladda Soomaaliya,isla markaana ay sheegeen in la mamnuucay. Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne Cismaan Dhicisow Dhuubow ayaa sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu amray in babaanbax lagu taageerayo dowladda Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Beledweyne. Waxaa uu sheegay in cid alaala iyo cidii isku dayda in Magaalada Beledweyne ay ka abaabusho ama ku qabato banaanbax ay Mamaulka talaabo sharci ah ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay. Saddex maalin ka hor ayay aheyd markii Booliska Magaalada Beledweyne ay joojiyeen dibadbax abaabulan oo la doonayay in laga dhigo Magaaladaasi Beledweyne,kaas oo la sheegay in lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip