Mareykanka oo cunna qabateyn ku soo rogay saraakiil ka tirsan Maxakamadda ICC

0
Friday June 12, 2020 - 17:36:50 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cunna qabateyn ku soo rogay saraakiil ka tirsan Maxakamadda ICC

    Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saraakiisjha maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen Afqanistaan iyo in kale. Amarkan madaxwayne ayaa u ogolaanaya M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saraakiisjha maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen Afqanistaan iyo in kale. Amarkan madaxwayne ayaa u ogolaanaya Mareykanka inay xayiraan hantida shaqaalaha maxkamada caalamiga ah ee ICC islamarkana ka hor istaagaya in ay Mareykanka soo galaan. Baaritaanka maxkamada ICC ayaa bilaabmay ka dib markii warbixin hordhac ah lagu ogaaday inay jiraan sababo lagu rumaysan karo in dambiyo dagaal ay dhaceen. Mr Trump ayaa marar badan cambaareeyay maxkamada islamarkana waxaa uu su'aal galiyya madaxbanaanideeda. Mareykanka ka mid aha saxiixayaasha cahdigii lagu dhisay maxkamada ICC ee fadhigeedu yahay Hague, islamarkana ma aqoonsana awoodda ay maxkamada u leedahay inay dacwad ku qaado muwaadiniinta Mareykanka. Khamiistii, wax yar uun ka dib markii amarkan madaxwaynaha la saxiixay ayuu xoghayaha arrimaha dibadda, Mike Pompeo waxuu sheegay in Mareykanka "aysan u hanjabi Karin maxkamad aan rasmi ahayn". Waxaa uu intaa ku daray in cunaqabatayntan ay xitaa qeyb ka noqon karaan xubnaha qoysaska saraakiisha Maxkamada in laga hortago inay Mareykanka soo booqdaan. Xeer ilaaliha guud ee Mareykanka William Barr, ayaa horey u sheegay "in dalal shisheeye sida Ruushka ay galaangal ku yeelanayaan maxkamada ICC iyaga oo ka leh u jeedooda gaarka ah ". Maxkamada ICC wali kama aysan ka jawaabin tallaabadan ugu dambeysay ee Mareykanka, balse hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabada Mareykanka. "Weerarkan lagu qaaday ICC ayaa ah dadaal lagu doonayo in lagu hor-istaago in cadaalad loo helo dambiyada culus ee ka dhacay haddii ay ahaan lahayd Afghanistan, Israa'iil ama Falastiin," waxaa sidaasi sheegtay Andrea Prasow, oo ah agaasimaha hay'adda xuquuqda aadanaha ee Humans Rights Watch, u qaabilsan Washinton. "Wadamada taageera cadaalada caalamiga ah waa inay si cad uga soo horjeedsadaan isku daygani aan geedka loogu soo gaban ee cadaalada lagu horistaagayo," ayay intaa ku dartay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip