Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya degaano iyo xerooyin Ciidan

0
Thursday June 11, 2020 - 19:49:48 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya degaano iyo xerooyin Ciidan

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in Maanta uu booqasho ku tago degaanka Docol 40 Km ujirta Magaalada Gaalkcyo Ee Xarunta Gobolka Mudug. Madaxweynaha o haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in Maanta uu booqasho ku tago degaanka Docol 40 Km ujirta Magaalada Gaalkcyo Ee Xarunta Gobolka Mudug. Madaxweynaha o haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi uga baxaya safar dhinaca dhulka ah,waxaana sidoo kale uu booqan doonaa Xerada Ciidamada Ee Indha-qaris oo ah goob loo asteeyey in lagu xareeyo Ciidankii iyo Hubkii Wasaaradda Amniga Galmudug ay kala wareegtay Beelaha dega Gobolka Mudug. Diyaar garoow xoogan ayaa waxaa saaka ka socda degaanka docol,iyada oo la arkayay dadweyne farabadan oo u sii diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hoggaaminayo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Maamulka degaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,isaga oo ka dhageysan doona warbixin la xiriirta baahida ay qabaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip