Kuuriyada Waqooyi oo digniin u dirtay Mareykanka

0
Thursday June 11, 2020 - 19:46:07 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo digniin u dirtay Mareykanka

    Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh. Bayaan lagu baahiyay waka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh. Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan oo aysan arrimaha labada Kuuriya soo faragalin. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay xaliyaan dhibaatooyiinka gudahooda ka jira. Kuuriyada Waqooyi ayaa horraantii toddobaadkan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed ka dib markii ay Seoul ku guuldareysatay in ay joojiso warqado iyo qalab kale oo ay soo dirayeen dad u goostay dhanka Koonfurta. Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmay ka dib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay ka xuntahay in Pyongyang ay hakiso xiriirkii kala dhaxeeyay Seoul. Wadaxaajoodyadii ku saabsanaa soo afjaridda barnaamijka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi ayaa la isku mari waayay iyada oo ay jirto in ay kulmeen madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip