Maxaa sababay fashilka wadahadaladii u dhexeeyey xog-haynta DG, Gobolka Banaadir & DFS?

0
Tuesday June 09, 2020 - 19:43:58 in Wararka by
  • Visits: 1526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay fashilka wadahadaladii u dhexeeyey xog-haynta DG, Gobolka Banaadir & DFS?

    Waxa dhacay Shir lagu qabtay qalbka fogaan kulanka ama Zoom-ka, waxa ka qaybgalay xubno ka kala socday Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ujeeddada shirku waxa ay ahayd suuragelinta kulan heer sare oo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa dhacay Shir lagu qabtay qalbka fogaan kulanka ama Zoom-ka, waxa ka qaybgalay xubno ka kala socday Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ujeeddada shirku waxa ay ahayd suuragelinta kulan heer sare oo dhexmra Madaxda DFS, Dowlad-goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, go'aaminta goorta, goobta iyo Ajandaha Shirka  

Kulanka waxaa ka qaybgay 7 xubnood kale

  1. Prof Najiib Sheekh Cabdikariim oo wakiil ka ah Dowladda Faderaalka Soomaaliya,
  2. Sahra Cali Xassan oo ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir,
  3. Cabdul Maxamed Makaraan oo kulankaasi ku matalayay Dowlad-goboleedka Hirshabelle,
  4. Prof Xirsi Jamac Gaani, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubaland
  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad,
  6. Kamal Daahir Xasan Guutaale oo kulanka kumatalayay Dowlad-goboleedka Galmudug
  7. Ibrahim Mohamed & Hussein Hassan oo kulanka ku matalay KGS

waxa kale oo kulanka kaqaybgalay la taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Mr Cabdi Saciid Muuse Cali.

Bidix: Abdisaid M. Ali, la taliyaha Ammaanka qaranka ee MW Farmaajo

Qoraalada iyo xogta ku saabsan kulanka oo ay aragtay Mustaqbal ayaa muujinaya sida kulankaasi u ahaa mid adag oo ay dhinacyadu isu dhaafsadeen dood adag iyo farriimo kusaabsan habka iyo sida ugu suuragalsan ee uu u dhici karo kulan heer sare oo dhexmara madaxda 5ta dowlad-goboleed, gobolka Banaadir iyo madaxweynaha dowladda Federalka.

Qoraalkani waxa waxa uu si xeeldheer u soo bandhigayaa

  1. Aajandaha looga hadlay kulanka xog-hayeyaasha Dowlad-goboleedyada & DFS
  2. Aragtida ay qabaan Maamul-goboleedyada ee ku wajahan doorashada la filayo in ay waddanka kadhacdo 20/21,
  3. Arrimaha la isku mari waayey waxyaabaha lagu lafaguray,
  4. Xilliyada ay dowlad-goboleedyadu soo jeediyeen in la qabto shirka Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
  • Agandaha kulanka Xoghaynta ka socday DFS, DGD iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka ku saabsanaa 3 arrimood oo muhiim ah
  1. dib u soo celinta howlaha hortebinta leh ee ka dhexeeya DG & DFS.
  2. islagarashada goobta iyo xilliga uu qabsoomayo shirweyne qaran oo dhemxara DG & DFS & gobolka Banaadir.
  3. Dejinta arrimaha iyo qorshaha looga hadlayo shirweynaha Qaran.

Kulanku waxa uu ku bilaawday dib-u-eegis lagu sameeyey waxyaabaha mudnaanta leh iyo talooyinka ay bixinayeen wakiilada ka socday Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya(FMS) iyo Maamulka Gobolka Banaadir (BRA)

  • KGS,gobolka Banaadir,Puntlandiyo Galmudug waxa ay wada codsadeen in ay martigeliyaan shirka heerka qaran ee Madaxda DFS iyo DG.
  • In kulanka xog-haynta lagu casuumo metelayaal socda Baarlamaanka iyo hay’adaha nabadgelyada si ay warbixin uga siiyaan xog-haynta doorashooyinka iyo arrimaha nabadgelyada
  • In la helo weji dhab ah oo lagu wajaho shirarka xoghaynta si loo dardargeliyo howlaha isla markaana loo asteeyo xilli loogu talagalay in la qabto shir heer qaran ah.
  • In Faragalinta ay samaynayaan qaar ka mid ah howl wadeena beesha Caalamku aysan ahayn danta dadka Soomaaliyeed.

Doodda iyo Wada-hadalada oo aad u adkaa oo dhacay 2-3 June-2020,ayaa lagu kacay Sababo la xiriira is afgarad la’aan kaddib wada-hadal dheer oo saacado badan qaatay, hayeeshee si guud waxaa loogu heshiiyey in kulanka dib loo dhigo iyo in xoghayntu kulanto 4ta June-2020 si loo dejiyo Waqti ku habboon iyo goobta lagu qabanayo kulanka heerka qaran ah.

Kulankii 3 aad oo dhacay, 4 June, 2020 ayaa ujeedadiisu ahayd sii wadista doodaha ajendaha kulankii 2aad.

Maxaa ka soo baxay kulankaas 3aad?

  • Taariikhda & xilliga la qabanayo Shir-madaxeedka waxa ay qaateen waqti badan.
  • Wakiilka ka socday Puntland (Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad) waxa uu ku adkaystay in shirku dhaco ka hor27-June -2020markaas oo gudoomiyaha guddig Madaxa banaan ee dooroshooyinku ay hortagayso Baarlamaanka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada soo socota maadama Puntland ay u aragto in kalfadhigan 7aad ee Baarlamaanka Federaalka uusan sharciyad u lahayn in uu go’aanka gaaro doorashada.
  • Intaa waxaa sii dheer, ajandaha Shirweynaha noocan oo kale ah waa in uu noqdaa oo keliya doorasho sida ay soo jeedisay Puntland, Jubaland waxa ay taageertay mowqifka Puntland waxayna intaas raacisay in shirku qabsoomoJune 10, 2020.
  • KGS, MaamulkaGobolka Banaadir,Galmudug, iyoDowladda Faderaalka Soomaaliyaayaa ka soo horjeestay go’aankaPuntlandwaxa ayna ku doodeen in aan Dowlad-goboleedyada dalku awood u lahayn in ay ka horyimaadaan awoodda hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
  • Intaa waxaa sii dheer, waxaa la soo jeediyay in diirada la saaro sidii loo ogaan lahaa talooyinka ku saabsan Ajandaha iyo Waxyaabaha ka caawin kara gaarista heshiisyada ku saabsan fulinta shuruucda doorashada iyo sidoo kale dib u eegista arrimaha kale ee muhiim ah.

Kamaal Daahir Xasan Guutaaleoo kulanka ku metelayeyGalmudugwaxa uu soo jeediyay in kulan horudhac ah oo u dhexeeya Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Dowlad-goboleedyada dalka & Maamulka Gobolka Banaadir in la qabto June- 29-2020iyada oo la adeegsanayo aaladda fogaan-aragga

Cabdiraxmaan Maxamed Dhamanacad oo ka socdayPuntlandwaxa uu ku adkaysatay in kulanka si kama dambeys ah loo qabto10-June-2020iyada oo laga hadlayo hal ajende oo keli ah kaas oo ah – "Kalsooni Dhisida”(Confidence Building).Waxa uu intaas ku daray, in haddii loo baahdo qodobka 2aad ee shirku uu noqon karo "Dib u eegista Xaaladaha Degdegga ah ee COVID19 iyo fatahaadaha”

Wakiilka ka socdayJubalandwaxa uu taageertay in kulanka la qabto,waxa uuna soo jeediyay in la qabto8- June-2020iyada oo lagu kulmayo habka fogaan araga.

Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadirwaa diideen umana arag wax u qalma in laga leexiyo waqtiga Xoghaynta, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir waxa ay diideen ficil kasta oo loogu talagalay in lagu farageliyo howlaha Baarlamaanka ee ku aadan doorashooyinka, Wakiilka ka socday Dowlad-goboleedkaHirshabeellewaxa uu taageeray Shirka fogaan-kulnka, waxa uuna soo jeediyay in kulanku dhaco inta u dhexaysa8-10 June-2020.

Prof Najiib Sheekh Cabdikariimoo wakiil ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey in xubnuhu soo ogaadaan jadwalka madaxdooda kahor inta aysan qabsan Waqtiyeynta qabsoomidda Shirka.

Waxyaabaha kale ee Shirkan looga dooday waxaa ka mid ahaa:

  • Marti-gelinta Shirka, Inkasta oo soo jeedinta marti-gelinta Shir-madaxeedka ay u badnaayeen ka-qaybgalayaasha, haddana Galmudug & gobolka Banaadir waxa ay ku doodeen in ay martigeliyaan Shirka.
  • Waxaa la soo jeediyay in la yeesho kulan ka fool ka fool ah si loogu dardar geliyo howlaha horyaalla.
  • Waxaa inta badan la isku raacay in la qabto Shir-madaxeedka DFS iyo DG toddobaadka 1-aad ee Luuliyo, 2020.
  • Puntland uma arkin wax u qalma in ay ka hadasho wax aan ka ahayn qabashada Shirka u dhexeeya Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir 8-10 June-2020.

Wakiilka ka socdayJubalandayaa shirka uga baxay sababa la xiriira is afgarad la’aanta ka dhalatay taariikhda la qabanayo shirka, hase yeeshee, wakiilka Puntland ayaa soo jeediyay in la aqbalo maalinta 8–10-June si loo soo celiyo wakiilka Jubbaland ee ka baxay shirka.

Waxaa la isla gartay in xusuus-qorka iyo warbixinta kulanka lala wadaago xoghaynta fiidnimada Khamiista 4-June-2020. Xiriiriyaha kulanka oo ahaaProf Najiib Sheekh Cabdikariimoo ah wakiilka kulankan ayaa dib u dhigay kulanka isaga oo ku wargaliyay Xubnaha kale in kulanka soo socda la la soo wadaagi doono.

Gunnaanad


Shirka& Wadaxaajoodka DFS & DG ayaa u muuqda in uu waqti dambe billowday halka ay ku habboonayd in la billaabo waqti hore si loo helo wadatashi dhammeystiran oo ay qayb ka yihiin DG oo dhan loon agaaro isfahn loo dhan yahay.

Dhinaca kale Dokumentiyada ay Mustaqbal aragtay waxaa ka muuqda in bulshada rayidku aanay qayb ka ahayn wadahadallada, sidaas oo kale wada-xaajoodka waxa kamaqan gbolada Waqooyi oo uu ku meteli jiray kulamadan caynkan ah raisawaare-kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Waxa kale oo muuqata in Wada-xaajoodku ku kooban yahay la taliyeyaasha iyo xafiiska madaxweynaha iyada oo habayaraatee uusan wax lug ah ku lahay xafiiska raisawlaaruhu sida ay noo xaqiijiyeen kaqaybgalayaasha shirka oo diiday in magacooda la isticmaalo.

kaqaybgalayaasha qaarkood ayaa walaac ka muujiyey isfaham iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro shirka iyaga oo ku eedeeyey KGS & gobolka Banaadir in ay dheereynayaan waqtiga shirka iyaga oo u muuqda dad aan go’aanku ka go’in.

Dhinaca kale DG PL & JL waxa ay muujiyeen kalsoomi xumo ay ka qabaan in Baarlamaanku kaalin hoggaamineed ka qaadan karo doorashooyin.

Ka sokow Dokumentiyada ay aragtay Mustaqbal Dhinaca Galmudug waxa ay ilo mas’uul ah sheegeen in Galmudug u gacangashay Madasha xisbiyada, maaddaama uu shirka ku metelayo guddoomiyihii hore ee xisbiga Wadajir ahna xubin firfircoon oo katirsan Wadajir, taas oo muujineysa in madaxweyne Qoorqoor u muuqdo in uu ka tegeyo saaxiibadiis Nabad & Nolol oo dadaal iyo dhaqaale ku bixiyey ololihiisii doorashada madaxtinimada Galmudug.

Xigasho:Mustaqbal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip