( Haddii Caseeyaha- Baalashlaha oo dhami ay Lacag lahaan lahaayeen, Odyaasha dhaqanka qaarkood ayaa kabaha u soo ururin lahaa)
3.Gabdhii dhalatay Burbuurkii Dowladii dhexe kadib 1990 ee aan weli guursan, Hadda waa 30 jir. waxaa ku sugaya Oday 60 jir ah, waana sida adigoo Muufo Subixii la dubay habeenkii ku casheeyay.
(wadankii 1960kii Xuriyadiisii qaatay ee aan weli Dowlad lehayn waa sida……………..)
              4.Haddaad Boondheere ku aragto Nin iyo Xaaskiisa oo banaanka Guriga Fiidkii ku leeyrsanayo, Ha moodin Romantic. Labo ayeey mid tahay: in korontadii ey Xaafadda ka maqan tahay, ama in ey Guriga Kaneeco ka soo buufiyeen oo Sunta ey ka soo baxeen. ( F.S: 2aad).
             ( Haddad aragto Nin Timo badan oo aan Hal Bil shanleeysan oo ku qoslayo mid aan timo la heeyn. Hala yaabin waa Moodo, ama waa dhalin ayro ka kala timid UK iyo Canada)
           5 .Nin Reer Hargesa ah ayaa yiri: Haddii Magaalada laga mamnuuco Make up-ka iyo Qalabka la isku cadeeyo, Dukaamadana la xiro. Caruur badan ayaan Hooyooyinkood Aqoonsan doonin. ( F.S: 3aad).
              ( Haddii Masuuliyiinta Dalka oo dhan Shaadooyinkooda la baari lahaa, qaar badan ayaan Aqoonsan leheeyn Jaamacaddihii ay ka soo baxeen magacooda)
            6. Nin Reer Burco ahaa oo watay Baabuur Sabaax ah ayaa dhowr Ido ah Gaarigii ku jiirsiiyay Magaalada Dhuusa mareeb, Ninkii idaha lahaa ayeey is fahmi waayeen Dood dheer kadib, waxaa la isla gartay in Maxkamada la isla aado. Markii Maxkamada la tagay ayaa Ninkii idaha lahaa uu jeebka kala soo baxay Furihii Maxkamadda.
kii Reer waqooyiga ayaa yiri: Dee haddii idihii iyo Maxkamadii ey isku mid Noqdeen, Magtii waan iska bixinayaa. ( F.S: 4aad).
               (Nin ku doodayay Maamul Magaalo iyo Mid ku doodayay Maqaam Magaalo ayaa ku heshiin waayay midda saxda ah. Dood dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in loo tago Guddigii u gar qaadi lahaa. kii Maqaamka ku doodayay ayaa Furihii Xafiiska la soo baxay. Kii kale ayaa yiri: Maleeys ajaraayay, kaama yeelin )
      FG: iga Raali ahaada Caawa arrimo kale ayaa dib ii dhigay, Hadda ayaan Aniga oo hurdeeysan is iri Saaxiibadaa wax un u diyaari. waxaan u mahad celinayaa qaarkiinii i xasuusiyay. waa 3:15 am agteeyda.
Qore: Yahya Amir.