Ha ka walwalin irsaqaaga!!!.

0
Thursday June 04, 2020 - 19:01:55 in Wararka by
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha ka walwalin irsaqaaga!!!.

    Xayaawaano badan oo waaweyn ayaa Dunida soo maray, badankoodu waa dhamaadeen. Hadda Noolaha joogo waxaa ugu weyn "Nibiriga Buluuga ah", Maalintii waxa uu cunaa 3.5 Tan oo Malaay ah. irsaqiisa Allah ayaa kafaala qaaday in mid kastaa uu Maali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayaawaano badan oo waaweyn ayaa Dunida soo maray, badankoodu waa dhamaadeen. Hadda Noolaha joogo waxaa ugu weyn "Nibiriga Buluuga ah", Maalintii waxa uu cunaa 3.5 Tan oo Malaay ah. irsaqiisa Allah ayaa kafaala qaaday in mid kastaa uu Maalintii Cuno 3.5 Tan oo Hilib ah. kamana welwelo Nibirigu irsaaqadiisa. (F.S:1aad).            
            Quraanshada ayaa ugu yar inta noo muuqato Irsaaqadeeda Allaah ayaa kafaala qaaday. Waxaa jiro Noole ili ma qabato ah oo irsaqiisa Alla kafaala qaaday. qaarkood ayaa Calooshaada ku dhax nool oo laga irsaaqay. Xayawaankaasi kama walwalaan Irsaaqadiisa. (F.S 2aad).
Xayawaanka kaliya ee ka walwalo irsaaqadiisa waa Beni Aadamka. waxa kaliya ee lagaa rabo waa: ( Allah gargaarso, sababihii irsaq raadinta la imaad, Allana ku shukri).
              wixii kuu qoran waad helee, wixii aan kuu qorneeyn haddii ey ku horyaaliin, aadna baahantahay cidina eyna kuu diideeyn, ma cuneeysid ileeyn kuuma qornee.
             irsaaqad haka walwalin, Magacyada Alle ayaa waxaa ka mid ah RASAAQ.
waxa aad cunto Musqul ayeey ku dhamaanayaan, iyada oo sidaa ey tahay ayaad haddana si aan xalaal aheyn ku raadinee oo Cadaab aad ku muteeysanee wixii aad ku shubeeysay musqulaha.
Allihii Nibirga Buluugaa mid kasta oo ka mid ah ku irsaaqay 3.5 Tan oo Hilib ah Maalin kasta, Adiga irsaaqad kuuma weeyn ee si xun iyo si xaaran ah wax ha u raadin, Xoolaha ummadda iyo Agoonta iska ilaali.waa iga Talo.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip