Madaxweyne Trump oo dib u dhigaya Shirka G-7

0
Monday June 01, 2020 - 00:29:01 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump oo dib u dhigaya Shirka G-7

    Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay, in uu baajinayo shir-madaxeedka dalal la isku yiraahdo G-7 ee ugu horumarsan xaga dhaqaalaha marka loo fiiriyo dalalka kale ee dunida. Shirkaan ayaa lagu waday in Mareykanka uu marti-geliyo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay, in uu baajinayo shir-madaxeedka dalal la isku yiraahdo G-7 ee ugu horumarsan xaga dhaqaalaha marka loo fiiriyo dalalka kale ee dunida. Shirkaan ayaa lagu waday in Mareykanka uu marti-geliyo dhamaadka bisha June ee soo socota, hase yeeshee madaxweyne Trump ayaa isaga oo saran diyaaradda Air Force One ee qaadda madaxweynaha u sheegay wariyaal la safrayay, in shirka uu dib ugu dhigayo bisha September. Madaxweynaha oo kasoo laabtay gobolka Florida kuna soo jeeday magaaladan Washington D.C ayaa Kooxda G-7 ku tilmaamay koox aanan casri aheyn, sidaasi daraadeed uu kusoo darayo dalal cusub oo kala ah Australia, Russia, South Korea iyo India. Kooxda G-7 ayaa ka kooban dalalka Mareykanka, Canada, Fanarsiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip