Banaanbaxyada loogaga soo horjeedo dilkii George Floyd oo ku sii fiday magaalooyin iyo dalal kale (Sawiro)

0
Sunday May 31, 2020 - 11:11:44 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxyada loogaga soo horjeedo dilkii George Floyd oo ku sii fiday magaalooyin iyo dalal kale (Sawiro)

    Waxaa sii fidaya banaanbaxyo loogaga soo horjeedo sida ay Booliska Maraykanka ula dhaqmaan dadka madowga ah gudaha dalka Marayanka iyo wadamo kale oo caalamka ka mid ah. Dadka banaanbaxaya ayaa iska dhega tiray bandow ay dowlada Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii fidaya banaanbaxyo loogaga soo horjeedo sida ay Booliska Maraykanka ula dhaqmaan dadka madowga ah gudaha dalka Marayanka iyo wadamo kale oo caalamka ka mid ah. Dadka banaanbaxaya ayaa iska dhega tiray bandow ay dowlada Maraykanka soo rogtay,sidoo kale waxaa banaanbaxyo kale ay ka dhaceen dalka Britiain. "Ma Neefsan karo" oo ah ereyadii ugu dambeeyay ee uu ku hadaaqayay George Floyd ayay ku qeylinayeen dadka banaanbaxaya iyagoo qaarkoodna watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ka tarjumaya in nolosha qofka madow ay muhiim tahay. Banaanbaxyadan ayaa waxaa ay banaanka u soo saareen dareen ay dadku ka qabeen dilalka ay ciidamada Booliska gacantooda ugu geystaan dadka madow ee rayidka ah. Sidoo kale kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay magaalada London ee dalka Ingiriiska iyagoo banaanbax ka dhigey safaarada Maraykanka ee magaalada London. Magaalooyinka Cardiff iyo Manchester ayaa sidoo kale laga soo weriyay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo sida ay ciidamada Booliska Maraykanka ula dhaqmaan dadka madow. Daawo Sawirada banaanbaxyada looga so ohorjeedo dilka Floyd

           




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip