Dowladda oo sheegtay in howlgal ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0
Sunday May 31, 2020 - 22:34:07 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay in howlgal ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

    Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgal kala dwuan ka sameeyeen deegaano ku dhow deegaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgal kala dwuan ka sameeyeen deegaano ku dhow deegaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay sigaar ah uga fuliyeen deegaannada tuulooyinka buulo urunji, busleey, oo hoosyimaado degaanka Janaale,isla markaana ay ku dieen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 18 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada ay gubeen Doonyo ay isaga kala gudbi jireen wabiga shabeele mara janaale iyo degaanada kale ee gobolka shabeelaha hoose. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta deegaannada Gobolka Shabeellaha Hosoe ay ka saarayaan Al-Shabaab. Deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay Ciidamada Dowladda ka wadaan howlgallo,waxaana mararka qaar ay weeraro iyo qaraxyo kala kulmaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip