Dad lagu arkay Calaamadaha COVID-19 oo ku geeriyooday Beled-Xaawo

0
Sunday May 31, 2020 - 22:29:48 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad lagu arkay Calaamadaha COVID-19 oo ku geeriyooday Beled-Xaawo

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku geeriyooday dad lagu arkay Calaamadaha Cudurka Coronavirus halka ay weli la jiifaan dad soddomeeyo kor u dhaafaya,kuwaas oo kamid ah dadka Magaalada. Dhaqaatiirta ku sugan degm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay waxaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku geeriyooday dad lagu arkay Calaamadaha Cudurka Coronavirus halka ay weli la jiifaan dad soddomeeyo kor u dhaafaya,kuwaas oo kamid ah dadka Magaalada. Dhaqaatiirta ku sugan degmada Beled-Xaawo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in saacad walba Isbitaalka Magaaladaasi la geynayo dad lagu arkay Calaamadaha Cudurka halka kuwo kale ay u geeriyoodeen. Dr Axmed Cadow Maadeey oo ah u qeybsanaha Caafimaadka ee degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in ilaa iyo lix ruux ay geeriyodeen 29 kalena ay jiifaan kuwaas oo lagu arkay Calaamadaha COVID-19, hayeeshee aan baaritan lagu sameyn. Waxaa uu sheegay in degmada uusan oolin qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus,hayeeshee shaki laga qabo badankood maadaama lagu arkay Calaamadaha lagu yaqaano Coronavirus. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Dr Axmed Cadow Maadeey inay degmada Beled-Xaawo la soo gaarto gurmad Caafimaad oo deg deg ah si wax looga qabto dadka magaalada. Degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay ku taalla Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya,waxaana u dhow Magaalada Mandheera ee dalka Kenya oo laga helay kiisas farabadan oo COVID-19 ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip