Baaritaanka dhalinyaradii lagu dilay deegaanka Gololeey oo bilaawday

0
Sunday May 31, 2020 - 22:14:39 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaritaanka dhalinyaradii lagu dilay deegaanka Gololeey oo bilaawday

    Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka bilaawday baarista dhacdadii lagu laayay 8 Dhalinyarada ahaa ee ka Shaqeynayay Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey ee degmadaasi balcad. Guddi uu dhacdadaas u xilsaaray Madaxweynaha Hir-Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka bilaawday baarista dhacdadii lagu laayay 8 Dhalinyarada ahaa ee ka Shaqeynayay Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey ee degmadaasi balcad. Guddi uu dhacdadaas u xilsaaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ay qeyb ka yihiin,wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha G/Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay bilaabeen baaritaanka dhacdadaas. Xubnaha Guddiga u xilsaaran baaritaanka iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga ayaa waxaa ay la kulmeen Mas'uuliyinta Maamulka degmada Balcad iyo Odayaasha Dhaqanka deegaanka gololeey,iyaga oo wax ka weeydiinayay sida uu ku dhacay dilka loo geystay dhalinyarada. Ehellada dhalinyaradii la dilay ayaa falkaasi waxaa ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya,hayeeshee taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan Cadaado uu sheegay inaysan Ciidamada wax luga ah ku laheyn dilkaas. Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay. Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmada Balcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip