Khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay duleedka Muqdisho oo la shaaciyay

0
Sunday May 31, 2020 - 08:32:40 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha ka dhashay qarixii ka dhacay duleedka Muqdisho oo la shaaciyay

    Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaarx Miino oo qabsaday gaari ay la socdeen dad Shacab ahaa xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaarx Miino oo qabsaday gaari ay la socdeen dad Shacab ahaa xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Gaariga qaraxa qabsaday oo ahaa nooca Soomaalida ay u taqaano hoomey ayaa la sheegay in uu ka baxay Magaalada Muqdisho,isla markaana uu kusii jeeday degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose.
          Mid kamid ah dadkii saarnaa Gaariga oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray ayaa sheegay in 2 Ruux ay geeriyoodey oo  ehelkiisa kamid ahaayeen tiro kalena ay dhaawacmeen,kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.

         Guddoomiyaha deegaanka lafoole ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in gaariga uu ka ambabaay Ex-kontorool Afgooye kuna wajahnaa degmada Walanweyn ayna saarnaayeen 22 Ruux oo lix kamid ah ay geeriyooden halka 14 kale ay dhaawacmeen.

             Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay 13 Ruux oo 7 kamid ah ay dhaawac ahaayeen iyo dhimashada lix Ruux,kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay deegaanka lafoole.

           Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen dadka rayid ah oo saarnaa Gaari Hoomey ah oo kusii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip