Mas'uuliyiin kormeeray goobtii lagu laayay dhalinyaradii caafimaadka iyo baaritaano bilowday

0
Saturday May 30, 2020 - 19:36:07 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin kormeeray goobtii lagu laayay dhalinyaradii caafimaadka iyo baaritaano bilowday

    Mas'uuliyiin kala duwan oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim, Saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa booqday goobtii maalmo ka hor lagu dila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin kala duwan oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim, Saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa booqday goobtii maalmo ka hor lagu dilay dhalinyaradii ka shaqeynayay xarun caafimaad ku taal deegaanka Gololey. Komeerka Mas'uuliyiintan ayaa ahaa mid xaqiiq raadin ah oo la xiriiray wax ka ogaanshaha qaabkii ay wax u dhaceen iyo sababtii loo dilay 8-dii dhalinyaro ee ka shaqeynayay xarunta caafimaad. Mas'uuliyiintan ayaa xalay kula kulmay degmada Balcad Odayaasha deegaanka, eheladii dhalinyaradii la qaaday iyo mas'uuliyiinta maamulka degmada, iyagoo ka xog wareystay qaabka wax u dhaceen, afduubkii dhalinyarada loo geystay ka hor inta aan la dilin iyo haddii ay jiraan caddeymo muujinaya raadadka la haayo ee ah cida ka dambeysay dilkaas. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in cida falka dilka ka dambeysay ay ahaayeen Ciidamo wajiga soo qarsaday oo ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka dabadeedna dhalinyarada ka qafaashay deegaanka, maalin kaddibna meydkooda la soo dhigay meel aan ka fogeyn deegaanka. Saraakiil ka tirsan Hey'adda dambi baarista CID ayaa gaaray degmada Balcad, si ay qeyb uga noqdaan baaritaanada ku aadan dilkaas, waxaana ay kormeeri doonaan goobta falka ay dhaceen. Dhinaca kale Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iyana qeyb ka ah baaritaanka socda, iyadoo laga sugayo inay warbixin ka soo saaraan sida wax u dhaceen.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip