Meydka danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo dibada loo qaaday

0
Saturday May 30, 2020 - 19:14:55 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo dibada loo qaaday

    Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku ge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho. Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ayaa loo qaaday dalka uu udhashay ee sacuudiga si loogu aaso waxaana madaxdii Sagootinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen ehelada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale Jaamacadda carabta oo uu Soomaaliya uqabilsanaa. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi udiray shacab weynaha iyo Dowladda Sacuudiga geeridii ku timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho. "Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyadeyneysaa geeridii naxtinta leh eek u timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho " sidaa ayay yiraahdeen masuuliyiinta dowladda Soomaaliya. sidoo kale waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan Xukumadda federaalka Soomaaliya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo culuma,udiin . Marxuum Danjire Xamuud Samraan Aljowhari Alxuweydhi oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo Madaxa ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa fiidnimadii Sabtida, oo ku beegneed 23 May, 2020 ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho.
      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip