Somaliya waxey Maalintii weyday, miyaa Kenya iyo Ethiopia ka raadinayaan!! =Nasashada Jimcaha.Q-202.=

0
Friday May 29, 2020 - 17:25:01 in Wararka by
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya waxey Maalintii weyday, miyaa Kenya iyo Ethiopia ka raadinayaan!! =Nasashada Jimcaha.Q-202.=

    1- Corona Virus ayaa Xamar u soo Ciiday, waxa uu tagay, Masaajidii, Suuqyada Bakaaraha, Xamar weyne, Suuq Bacaad oo aad u mashquul ah, waxa uu arkay Baararkii iyo Fadhi ku diriradii ,ka dibna xeebta Lido oo aad Saxmad u ah, Dadkuna buux dhaafiyay. Di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Corona Virus ayaa Xamar u soo Ciiday, waxa uu tagay, Masaajidii, Suuqyada Bakaaraha, Xamar weyne, Suuq Bacaad oo aad u mashquul ah, waxa uu arkay Baararkii iyo Fadhi ku diriradii ,ka dibna xeebta Lido oo aad Saxmad u ah, Dadkuna buux dhaafiyay. Dib ayuu u cararay isaga oo leh: war meesha ma Anigaa la igu shirqooli rabaa. ( F.S: 1-5).
Asgari ahaa AMISOM –Uganda ayaa Arkay Dad wada sita Dhar ciidan oo is dagaalayo Subixii, Galbtiina Salaada Casir Masjidka ku wada tukanayo.waxa uu yiri: Ha leey celiyo ,meeshan waa nalagu shirqoolayaa)
2-Nin iyo Xaaskiisa oo is dagaalay , ayaa muddo kala Aamusnaa, Qof waliba waxa uu iska ilaalinayay in uu isagu Marka hore Hadalka bilaabo. Muddo kadib ayaa Ninkii waxaa soo galay Safar Shaqo oo deg deg ah. markii uu seexanayay ayuu Xaaskiisa Warqad ugu qoray, i kici Subaxdii 5: am’ waxaa aadayaa Safar Shaqo oo deg deg ah, waxa uuna u saaray Sariirta dhinaceeda.

Waxa uu soo toosay 9: am isaqa oo aad u careeysan oo daahay, ayuu Sariirta dhinaceeda ku arakay Warqad ey ku qoran tahay ,Hurdada ka toos Hadda waa 5: am subaxnimo,oo xaasku ey u qortay 5tii subaxnimo. ( F.S:6aad)
( Waqadaha war saxaafadeedka ah ee Mucaaradka iyo Muxaafadku isagu jawaabayaan, waxaa ku dhumayay Safarkii Shaqo ee Bulshada)
3- Laba Tuug ayaa u soo dhacday Nin Dan yar ahaa oo Kaligii Qolkiisa jiifo. Ninkii ayaa markii uu dareemay Tuugtii, ayuu Go’ii uu huwanaa iska qaaday oo hoosta Gashaday . kuna yiri, Labadii Tuug: War waxa aad Habeenkii Raadineeysiin, Annagaa Maalintii weynay.(Somaliya waxey Maalintii weyday, miyaa Kenya iyo Ethiopia ka raadinayaan)

         4- kuwo Ciidan ah oo Jidku u xirnaa Bar control, ayaa BUS Caadiya oo Shacab siday uu Fariinkii soo goostay , Birtii u tiilna sii mooday, ma hubsan ee Rasaas Xoogan ayeeyna ku fureen. Meel u jirto 5 Talaabo ayuu istaagay. Waxa ey arkeen Baaburka dhinacyadiisa oo dhiig ka daadanayo, Waxa ey ku yiraahdeen, ileeyn dhaawacaad sideen, Shacabka Dhibaateysan ma celino ee Hore u socda. ( F.S: 7aad)
( Shacabka waaba loo naxariistaa ee Goormee loo naxariistaa)
          5- Sheeka xumaaa, Acuudu bilaahi. Naag Talyaani aheeyd oo la yiraa Maria Georgio ayaa Fooli qabatay, Xanuun badan iyo in ilmihii soo dhawaadeen ayeey dareentay. Ummulisadii ayeey ku tiri: war soo qabo Cunigii waa yimide. Umulisadii ayaa Lugaha u kala qabatay oo toosh ku daartay kuna tiri: War sooma dhawo. Mariya oo Xanuunkii Dareenee ayaa tiri: War Ninkeeyga Antooniyo waxa uu ahaa Cawir, meel ey ilmuhu galaan ma aqaanin ee ka Fiiri dhinaca kale ameey ka soo baxayaan. ( F.S: 8aad)
( Somalia waaba Foole, inteey ka dhali doontaa?)

         

    6- Magaalo ayaa waxaa ku dagaalay Laba Beelood oo Somali ah muddo 7 Cisho ah. Maalintii Dambe ayaa Dagaalkii istaagay, Beelna laga adkaaday, Beeshii kalena ey bilaawaday in ey is abaabulaan. Imaamkii Masjidka ayaa Jamaacadii ku yiri: war aan kala dhax galno labada Beelood oo aan Dagaalka qaboojino. Nin Jamaacada ka mid ahaa ayaa yiri: Kaama yeelin Imaam, 7 Maalmood oo Dagaalku socday Nama dhihin aan kala celino, ma hadda, haddii beeshaadu guuleysatay ayaad na leedahay ha la kala dhax galo. ( F.S: 9 & 10aad)
            (War aaween Ninkii na dhihi jiray: Itobiyo waa cadaw ma la heshiiyay. Kooxdii Qeyla dhaan iyo Baarlamaankiina ma heshiiyeen?. Maalmahaan Warkooda ma maqale)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip