Jamaahiirta Garoonka Calderon Oo Xalayto Ku Maadeystay Xaalada Xun Ee Ay Real Madrid Ku Jirto.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:35:45 in Sports News by
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Garoonka Calderon Oo Xalayto Ku Maadeystay Xaalada Xun Ee Ay Real Madrid Ku Jirto.

    Ka dib markii ay isbuucaan deriskooda Real Madrid kaga badiyeen Santiago Bernabeu, Atletico Madrid ayaa ku soo laabatay garoonkeeda iyagoo guul raaxo leh xalayto ka gaartay kooxda Real Sociedad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii ay isbuucaan deriskooda Real Madrid kaga badiyeen Santiago Bernabeu, Atletico Madrid ayaa ku soo laabatay garoonkeeda iyagoo guul raaxo leh xalayto ka gaartay kooxda Real Sociedad.

Intii ay socotay kulankii ay 3-0 ku badiyeen jamaahiirta soo xaadirtay garoonka Vicente Calderon ayaa diiday inay isdhaafiyaan fursad ay ku maadeystaan dhibaatada haatan ka taagan kooxda ay deriska yihiin ee Los Blancos.

1456870092_207124_1456871909_noticia_normal

Kulankii sabtida ee Bernabeu qeybo ka mid ah taageerayaasha ayaa ku qeylinayay "Florentina, iscasil!” iyagoo sameynayay mudaharaad ka dhan ah madaxweynaha haatan ee Real Madrid Florentino Perez.

Iyadoo dhacdooyinkaas ay weli xusuusta ku danbeeyaan ayaa taageerayaasha Atletico ay iyagana qeyladooda cusub la soo baxeen markii ay daawanayeen kulankii xalayto ee Sociedad, waxaana ay goolkoodii hore ee furitaanka ugu dabaaldegeen iyagoo ku qeylinaya "Floren, fadlan sii joog!”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip