SAWIRRO: The Sun Oo Kashiftay Qorshe Ay Shanta Kooxood Ee Ugu Waa Weyn Ingariiska Ay Ku Doonayaan Inay Uga Baxaan Champions League.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:34:14 in Sports News by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: The Sun Oo Kashiftay Qorshe Ay Shanta Kooxood Ee Ugu Waa Weyn Ingariiska Ay Ku Doonayaan Inay Uga Baxaan Champions League.

    Shata kooxood ee ugu waa weyn dalka Ingariiska ayaa wadahadalo sir ah ka yeeshay inay sameeyeen koob cusub oo la yiraahdo European Super League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shata kooxood ee ugu waa weyn dalka Ingariiska ayaa wadahadalo sir ah ka yeeshay inay sameeyeen koob cusub oo la yiraahdo European Super League.

Manchester United, Chelsea, Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood waxa ay huteelka Dorchester ee magaalada London kula kulmeen shalayto bilyaneerka Mareykanka Stephen Ross.

Madaxa Old Trafford Ed Woodward, gudoomiyaha Chelsea Bruce Buck, maamulaha guud ee Arsenal Ivan Gazidis, maamulaha guud ee Man City Ferran Soriano iyo agaasimaha Liverpool Ian Ayre ayaa dhamaantood lagu sawiray iyagoo dhoolacadeynaya islamarkaana gacanta isgelinaya markii uu kulanka u soo dhamaaday.

 

01_01223641_a08820_2718363a

Ed Woodward [Man United, Buck [Chelsea] Soriano [City] Iyo Gazidis [Arsenal} oo ka soo baxya huteelka.

Qorshayaasha bilyaneerka Mareykanka ee Ross ayaa ah halista ugu qeyn ee soo wajihi karta kubada cagta Ingariiska tan iyo markii Premier League uu ka go’ay nidaamka kubada cagta ee dalka intiisa kale sannadii 1992dii, waxaana ay soo gabagabeyn kartaa koobka caanka ee Uefa Champions League.

 

Ross oo ah ninka iska leh kooxda Mareykanka ee Miami Dolphis islamarkaana ah maskaxdii ka danbeysay koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup ayaa martiqaaday shanta kooxood ee ugu waa weyn Premier League waxaana ay si weyn uga hadleen faahfaahinta qorshaha cusub ee European Super League.

02_01223641_ba7865_2718533a

Madaxda kooxaha waa weyn oo soo dhameystay kulankoodii huteelka Donchester

Tartanka cusub ayaa keeni doona in kooxaha ugu waa weyn ee Ingariiska ay kula biiraan kooxaha kale ee waa weyn ee Yurub koob aan u baahneyn in loo soo baxo islamarkaana meesha ka saareysa lacagta malaayiinta ah ee ay waayaan haatan haddii ay ku guuldareystaan u soo bixitaanka Champions League.

Waxaana ay tani faa’ido u tahay kooxaha sida Manchester United, Chelsea iyo Liverpool kuwaasoo ka cabsi qaba xilli ciyaareedkan inay u soo bixi waayaan Champions League iyadoo Leicester iyo Spurs ay ku kala jiraan kaalimaha koowaad iyo labaad.

03_01223641_3749e7_2718534a

Arsenal iyo City ma doonayaan inay iyagana seegaan lacagtaan badan ee la helayo, haddii Ross uu ku guuleysto inuu sameeyo European Super League waxa ay soo gabagabeyn doontaa koobka Champions League, waxaana uu noqon doonaa kala go’ii ugu weynaa ee taariikhda kubada cagta.

Ross ayaa rajeynaya inuu heshiis durbaba ka gaaro inuu horyaalkaan cusub bilaabo sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaana uu u balanqaaday kooxaha waa weyn ee England in lacag ka badan inta haatan soo gasha inay heli doonaan, islamarkaana aysan u baahnaan doonin inay ka baqaan inaysan u soo bixin koobka cusub.

04_01223641_314d70_2718535a

Soriano [bidix] Iyo Ayre oo soo socda, halka Buck iyo Gazidis oo reer London ah ay sheeko ku qabsadeen huteelka hortiisa.

Soriano oo gacanta haatinaya iyadoo Buck iyo Gazidis ay huteelka ka baxayaan.

Soriano oo gacanta haatinaya iyadoo Buck iyo Gazidis ay huteelka ka baxayaan.

06_01223641_ac95b8_2718537a

Madaxa United Ed Woodward oo dhoolacadeynayay markii uu kulanka soo dhamaaday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip