Man United Oo Caawa Noqon Karta Kooxdii Ugu Horeysay Ee 1000 GOOLAL Ku Dhalisa Garoonkeeda Horyaalka Premier League Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:32:33 in Sports News by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Caawa Noqon Karta Kooxdii Ugu Horeysay Ee 1000 GOOLAL Ku Dhalisa Garoonkeeda Horyaalka Premier League Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid.

    Manchester United ayaa qarka u saaran inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee kun goolal ku dhalisa garoonkeeda horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa qarka u saaran inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee kun goolal ku dhalisa garoonkeeda horyaalka Premier League.

Guushii 3-2 ee ay United ka gaartay Arsenal maalintii axada ayaa ka dhigeysa wadar ahaan goolasha ay ku dhaliyeen garoonkooda 998 goolal 456 kulan oo ay horyaalka minankooda ku dheeleen.

Waxaana kooxda Louis van Gaal ay caawa fursad u heysataa inay gaarto kun gool oo ay Old Trafford ku dhaliyeen Premier League marka ay martigelinayaan kooxda Watford, waxaana uga harsan kaliya labo gool.

rashford-mata-manchester-united_3423495

United ayaa rajeyneysa inay kunkaan gool gaarto xilli hore laakiin si aan looga baranin ayay u noqdeen xilli ciyaareedkan kuwa ka xishooda goolka. Waxa ay dhaliyeen kaliya 18 gool 13 kulan oo ay gurigooda ku ciyaareen xilli ciyaareedkan, waxaana ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan shan kulan oo ay Old Trafford ku dheeleen.

Goolasha ugu badan ee koox walba ay gurigeeda ku dhalisay Premier League.

Koox Goolasha Kulamada Ay Ciyaareen
Man Utd 998 456
Arsenal 911 456
Chelsea 893 457
Liverpool 864 455
Tottenham 755 457
Newcastle 702 416
Everton 698 457
Man City 632 362
Aston Villa 600 456
West Ham 547 378

Xiddigaha Man United ee goolasha ugu badan ku dhaliyay Old Trafford ee Premier League

Ciyaaryahan Goolasha Kulamada
Wayne Rooney 99 181
Paul Scholes 59 248
Cristiano Ronaldo 57 101
Ole Gunnar Solskjaer 53 126
Ryan Giggs 50 308
Andy Cole 49 97
Ruud van Nistelrooy 48 72
Eric Cantona 37 76
Dimitar Berbatov 34 53
Dwight Yorke 29 47



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip