43 Maalmood Oo Uu Dhaawac Ku Maqnaa Ka Dib Daawo Gareth Bale Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Real Madrid.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:31:03 in Sports News by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    43 Maalmood Oo Uu Dhaawac Ku Maqnaa Ka Dib Daawo Gareth Bale Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Real Madrid.

    Iyadoo la xaqiijiyay in Karin Benzema uu ku maqnaanayo dhaawac muruqa ah islamarkaana Luka Modric ay jug ka soo gaartay canqowga, tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa waxaa u soo yeeray war wanaagsan iyadoo Gareth Bale uu ku soo laabtay tababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo la xaqiijiyay in Karin Benzema uu ku maqnaanayo dhaawac muruqa ah islamarkaana Luka Modric ay jug ka soo gaartay canqowga, tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa waxaa u soo yeeray war wanaagsan iyadoo Gareth Bale uu ku soo laabtay tababarka kooxda shalayto.

Bale ayaana tababar la sameeyay kooxda inteeda kale 43 maalmood ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay ka badiyeen Sporting Gijon isagoo dhaawac uu ka soo gaaray muruqa.

Shirkiisii jaraa’id ee shalayto ee ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda ugu hooseysa La Liga ee Levante, tababare Zidane ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiddiga reer Wales kaasoo taam buuxda ah u ah in lagu soo darro kooxda wajaheysa Levante caawa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip