Guus Hiddink Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Inuu Chelsea U Soo Saaro Tartamada Yurub Ka Dib Guushii Norwich.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:28:14 in Sports News by
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guus Hiddink Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Inuu Chelsea U Soo Saaro Tartamada Yurub Ka Dib Guushii Norwich.

    Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa sheegay inuu haatan bartilmaameed ka dhiganayo inuu kooxda u soo saaro tartamada Yurub ka dib markii ay Chelsea xalayto 2-1 kaga badisay Norwich.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa sheegay inuu haatan bartilmaameed ka dhiganayo inuu kooxda u soo saaro tartamada Yurub ka dib markii ay Chelsea xalayto 2-1 kaga badisay Norwich.

Goolal ka kala yimid Kenedy iyo Diego Costa ayaa keentay in kooxda heysata horyaalka Premier League inay soo gasho kaalinta sideedaad, iyagoo shan dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta shanaad ee Manchester United iyo sideed dhibcood oo ay ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Man City.

Chelsea ayaa kaalinta 16aad ku jirtay islamarkaana hal dhibic kaliya ka sareysay booska looga haro Premier League markii ay kooxda ceyrineysay Jose Mourinho bishii December laakiin weli loogama badinin horyaalka intii uu Hiddink yimid, waxaana uu sheegay in bartilmaameedkooda uu haatan isbedelay.

Norwich-City-v-Chelsea

"Haatan hamiga ay Chelsea leedahay waa qasab inaan bartilmaameed cusub yeelano, islamarkaana aan aragno waxa aan ka sameyn karno jihada Yurub” ayuu yiri Hiddink.

"Waxaan haatan badinayo kulamo yar oo isku xiga. Waa inaan sii wadno guusha. Haddii cid walba ay tareenka saaran tahay islamarkaana aysan jirin dhaawacyo waa weyn, waxaan jeclaan laheyn inaan gaarno meelaha ugu sareeya ee loogu soo baxayo tartamada Yurub.”

Guushii ay ku gaareen Carrow Road ayaa la micno ah in Chelsea ay haatan badisay seddex kulan oo isku xigta horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii April 2005.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: "Waa muhim. Qof walba waa ogyahay sida aan ku bilaabanay December. Aad ayaan u hooseynay waxaan ku dhaweyn boosaska lagu haro.

"Waxaan bartilmaameed ka dhiganay inaan booskaas ka soo baxno sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaan bilownay inaan sidaasi ku sameyno barbaro laakiin haatan waxaan badinay kulamo yar oo isku xiga taas ayaana dhiirogelin ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip