Garsoore Kevin Friend Oo Miirdaboolmay Intii Ay Socotay Ciyaartii Premier League ee Southampton & Bournemouth.

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:26:33 in Sports News by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoore Kevin Friend Oo Miirdaboolmay Intii Ay Socotay Ciyaartii Premier League ee Southampton & Bournemouth.

    Garsooraha afaraad Kevin Friend ayaa miirdaboolmay, waxaana uu madaxa ku dhufsaday birta kursiga keydka intii uu socday kulankii xalayto ee Premier League ee u dhaxeeyay Bournemouth iyo Southampton.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsooraha afaraad Kevin Friend ayaa miirdaboolmay, waxaana uu madaxa ku dhufsaday birta kursiga keydka intii uu socday kulankii xalayto ee Premier League ee u dhaxeeyay Bournemouth iyo Southampton.

Friend oo daqar uu ka soo gaaray wajiga ayaa waxaa lagu daweeyay wadada loo maro qolalka labiska ka hor inta aan loo qaadin cusbital oo uu seexday xalayto.

Dhacdadaan ayaa dhacday markii ay soo dhamaaneysay qeybtii hore ee ciyaartii ka socotay Vitality Stadium.

_88529113_kevinfriend1_reu

Bilowga qeybtii labaad ayaa dib loo dhigay muddo shan daqiiqo ah iyadoo Friend uu bedelay Dean Treleaven oo ah nin sharciga garsoorka heysta oo daawanayay ciyaarta.

"Waxaan fadhiyay kursiga keydka, waa uu inoo yimid, waxaana uu ku dhacay birta kursiga keydka oo sanka ku dhufsaday ka dibna waxa uu ku dhacay dhulka” ayuu yiri tababaraha Southampton Ronald Koeman.

"Malaha shan ilbiriqsi ayuu hawada ka maqnaa.”

Tababaraha Bournemouth Eddie Howe oo kooxdiisa ay 2-0 ku badisay ayaa yiri: "Waan arkay isagoo dhacaya. Waxaan arkay isagoo wareeraya islamarkaana jareynaya.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip