Soonka yaan la Siyaasadeyn-2

0
Sunday May 24, 2020 - 20:00:50 in Wararka by
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soonka yaan la Siyaasadeyn-2

    Intii Sabti Ciiday ee 29 Soontay, Soonkooda Alla ha u aqbalo. Inta Axad Ciiday ee 30 Soontayna , Soonkooda Alla ha u Aqbalo. Haddii la Siyaasadeeyo Soonka waxaa dhacayo khilaaf iyo is faham la'aan, sida:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii Sabti Ciiday ee 29 Soontay, Soonkooda Alla ha u aqbalo. Inta Axad Ciiday ee 30 Soontayna , Soonkooda Alla ha u Aqbalo. Haddii la Siyaasadeeyo Soonka waxaa dhacayo khilaaf iyo is faham la'aan, sida:



1- Caalamka Islaamka oo dhan ma arkin- Somalia kaliya maxaa tusay Bisha.

2- Sabti lama Ciido waa Maalinta fasaxa Yuhuud, oo Axaduba sow ma ahan Maalinta fasaxa Masiixiyiinta .

3- Beesha Caalamka iyo Deeq bixiyayaashu dhinaceey Raacsan yihiin ma Reer Sabti mise Reer Axad.

4- Haddii Sh. Xassan Dahir iyo Sh. Rooboow ey Arki lahaayeen, waxaa la dhihi lahaa waa laga hadashiiyay.

5- Waxaaba khayr ah haddii eyna Ciidu Arbaco ku soo Aadin, Sixiroolaa arkay ayaa nala dhihi lahaa.

6-Xalane Salaad Ciida ma lagu tukaday, Villada Takbiir ma ka maqashay.

7- Haddii koofurta Gaalkacyo laga arki lahaa Bisha, Waqooyiga Gaalkacyo waxaa laga dhihi lahaa, war Sannadkii horena Adinkaa Bisha arkay, kanna ma ku darsaneeysaaniin. Aan u kaltanno Aragtida bisha.

8- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa dhaariyay aaa!. Shiikh maas nokhdayne.

9- Arag ku soon Aragna ku Af-fur, Ma anaaba weligeey Bil dhalee Arkay. Garaadaha Okiyaalaheeygu waa +2.

10- Sucuudi ayaad la Ciidiin, Wadaniyiin ma tihiin. ka soo qeyb gala Ciidda Wadaniyiinta, Qofkaan Sabti ciidin waa Qaran dumis. Iska fiiri hee Adiguna waa markii ugu horeeysay ee aad Dowlada Qatar khilaaftay. Baxar cadiim.

11- Maba aadan Soomi jirin Adigu, ee iska Ciid maalinta Sabtiga. Adiguna weligaa Dadka waxaad ka dambeeysaa Hal Maalin.

12- Xataa hal Maalin oo Koror siimo ah ma ogolin, Soonku waa in uu ku dhamaado waqtigii loogu Talagalay. Weydii Gudoomiyaha Aqalka Sare.

13- Haddii Feysal Cali Waraabe Bisha arki lahaa waxaa la dhihi lahaa "Ciidul Ictiraaf” waaye.

14- Sh. Umul iyo sh. Cali Wajiis miyaa sheegay, mise Moowlaca Sh. Muxyadiin ayaa laga sheegay.

15- Afkaad ku Soma nagu tiri, miyaad haddana ku Ciida nagu leedahay. Afkeey ku Saxuurateey ku Quraacaneyd’aa.

16- Haddii uu Md. Xassan Sh. Maxamud Bisha Arki lahaa, Salaad Cali Jeelle ayaa u jawaabi lahaa.

17- Annaga Xildhibaankeena ayaa Noo sheegay in ey Ciid Tahay Sabtiga, Annaga Xildhibaankeenu weligiiba ma Soomin.

18-Mucaaradkii ayaa yiri, Ciidda Maalinta Sabtigu, Dastuurka ma waafaqsano.

F.G: Annigu Qof ahaan Axadda ayaan Ciidayaa, Cidna kuma heysto Maxaad u ciiday Sabtiga, Dhamaanteenba Soonkeenii Alla ha naga Aqbalo, Towfiiqdana Alla ha na waafajiyo. Aamiin.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip