Kula lihi III (a iyo b) Qalinkii Xusseen Wadaad

0
Tuesday May 19, 2020 - 14:43:31 in Wararka by
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kula lihi III (a iyo b) Qalinkii Xusseen Wadaad

    Waryaa hooy-hooy, adigaan kuu maqanahay ee i af-garo? Aanse haddana ku weydiiyee weli ma i siisaywarbixin aan garan karo? Yac, Maxaan kuuweydiihaa, horma ma innagaaba isku duul ah. Warhooy iga dhaqaaq. Kuye "Maxaad ka waddaa"I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waryaa hooy-hooy, adigaan kuu maqanahay ee i af-garo? Aanse haddana ku weydiiyee weli ma i siisaywarbixin aan garan karo? Yac, Maxaan kuuweydiihaa, horma ma innagaaba isku duul ah. Warhooy iga dhaqaaq. Kuye "Maxaad ka waddaa"I af-garo"? Ayuu la soobooday, waxa uuna raacshay "IKRAAMIYA" miyaadu jeeddaa? Yaa gartay IKRAAMIYADA uu sheegaayo? Kan gartoow farta taag!. Horta "Muhu miha maahan" mise muhu mihi ma tahay? Si kalaan u gartay hadalkaas, adigu teeyda iska aal eeadigu sidee ayaad u garatay? Waryaa haddii aad sidaa u waddo soow ma maqalfikirkii ahaa "Laba qaawan isma qaaddo"? Kuye "Ma anigaa waalan mise Cadan ayaad ka Heeseysaa"? Kkkkk, ma aniga ayaad ii maqantahay? Isma dhihine, adiga ha dayacmin. Waryaa, inta goori-goor tahay iga tag, minii kale warkalaad arkee. Yaad la hadlee oo aad u hanjabee? Ima taqaanidwallee, wase la is baran.

    Waryaa-waryaa, Waqtiga waan is heeynaahe ha ii lug-qaban ee Jikaarkaaga uun iga la tag.

Kuye: Waa kee waqtiga aad is heeysaan? War-wardurugtaye dib u soo noqo.

Kanu, isagu guryan badanaa..Xaalkiisu wa Hal tillaabo ha dhaqaaqin, haddii aad dhaqaaqdana dibuun ha ahaato.. Usuga ayaa la yiraa ”Kir iyo kal dheh, yaahuuna ugu dar”. Ma i maqalyay horta? Ma ogi, hadii uu maqlayna yeelkiis. Ewel miyaa mahaanwax kala qarsoonaayeen? Wax kastaa oo jira waa”Daahir yaa shams”, marka laga reebo uun…

Waa kan haddana dib iigu soo labakacleeyay kuye”Xadkaaga ha dhaafin”, waxa uuna sii raacshay ”Ha taraarin ee is qabo”.

Ma kasin, Ariiroow Maxaad ka waddaa ereyadaas? Maya.maya, waan ka noqday, mana rabo in aangorado ee shililiqoonkaaga uun iga-la tag.

Kuye ”Adigaa ila meereyso waddo” ee anigamaahan, midka la fahmi la’yahay.

Is-afgaradku waa iga diyaar ee adiga uun baalashaadarog-rog oo kala fur kitaabkaaga.

Dedaalaa, wuu gaaraa!, waa kee midka dedaalayo? Adigaaga iga hor muuqdeey ku khuseeysaahe, minaad garatay si qumman uga jawaab-celi. Maxaadhee isla yeelyeelee, oo aad kolba doc ugu jeesahee?. Waa kaa dhaqaaqay isgoo dib ii soo jalleecaayo. Gartaye, soow isagu ma aheyn midka aan waxweydiihaayo? Bal ka roonoow oo adigu ii jawaab, Kol ay ku tahay waxa dhaqaajiyay aniga oo la hadlaayo? Iina raaci waxa uu ii soo jalleecaayayisaga indha xun? Ma quursi iyo yasmoow ka wadaa?. Xaalku waa kaa u eg ”Kala maankii iyo laba kala baridaa kala war la’”.

Isna kuye: Caalim nafsi, maad i moodday? Ma dadkauur-koodaan degaa ayaad maqashay? Waryaa”Faqaburaale aa ku haaye ha lagaa soo qaacsho”.

Faqaburaaluhu, maxoow ahaay? Ciddi kastooy ii jawaab. Jawaabtaadu yaaneey ka badan ”Laba erey” ka badan waqti uma haayo, waa sida aad la socotaba.

Isku daygu sidiisaba ma reebbana, waana furahaguusha. Tororog, Hadalbadni iyo ha lagaa sheegohaddeey kaa tahay ka joog. In aad ka joogta ayaa kuusharaf badan. Waxaa la yiraa ”Lisaanul Caaqilwaraa’a caqlihi”(Carrabka Caaqilka waxuu ka dambeeyaa Caqligiisa), aan kuu sii jilciyaa qaybaa ka dhimman ee adigu buuxi….Midka aad tahayna garo.

Kuye: waxaan aad calwisay noo jilci,dunta aadmilqisayna kala furfur.

War yaa tan oo kale arkay!, minoowsan garan, maauu iska aamuso oo ganbado.. Maya Maxaan saas u dhahaa?, soow ma mudna in wax la isa su’aalo. Haa,laakii,Soow maahan warkiisu ”Af–kaaga-fur ilkahaaga aan tirshee”. Haddana soow tii la lahaa”Kor waayeel waa wada indho”!! Mise taas ayaabeen aheyd.

Kuye: waryaa ” Riyooyinkaaga naga la tag”.

Isagu maba oga in wax kastaa ka biloowdaanriyooyinka.

(Waxaad fiirisaa Buugga ”When Donkeys Give birth to Calves”, gabayga la yiraa”Exponential,” (p. 71) Prof.Ali JImaleAhmed). Haa, laakiin isagu, maxuu ka wadaaRiyooyinkaaga naga la tag!. Horta bal, kaaaga kale eeila socdoow ”Qaswadoow” Adigu, ma fasirtaaRiyooyinka?

Kuye: Saad u socotay, miyaad la timid Riyooyinkama fasirtaa? Wax Riyo Fasiro Ibnu Jacquub ayaa ugudambeeyay ee middaa garo. Kolkuu saas i yiri, ayaanu daba dhigay bal(fiiri Buugga Gaso )ee Prof.CaliJimcaale Axmed Bogaggiisa 27-28aad.

Yaa kuu sheegay middaas?

Kuye: Taas yaa moog. Cid moog ma jirtee ”Is-jiid–jiidka naga dhaaf” ee innaga nala qabso, waxaaskalena ka bax, Waa minaad ”aayo loo aayo rabto”.

Yaa gartay, Aayaha uu ka hadlaayo moogahaan?

Aan dib u noqdee, Horta, ”Beertii ma baxday?”.

Kuye: ”Yaaba Beer abuuray” intee ayaad noogucelihee 100 sano horteed. Waxa uuna ii raacshay”Adigu qarnigaan ma noolid”, haddana isaga oohoosta ka sii leh ”Kan waa reer Aaqiraad eeduulkeenna ma ahan” ayaan si hoose u maqlay.

Wixii kaleba qushigeed e, aan ku weydiiyee ”Siduurabaa in uu u noolaado”? Soow tii la dhihi jiray ”Nin aan shaqeysan shaah waa ka xaaraan”.

Maya-Maya, anaa gartay.

Kuye”Maxaa aad og tahay oo aad garataa”?

Waxaa uun aan ogahay in aad tahay ”Ma tacbadeburweynihi aan maqli jiray”.

Hussein Wadaad

La soco Q.xigta

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”



huswadad@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip