HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH TALAADO 19-MAY-2020

0
Tuesday May 19, 2020 - 11:35:29 in Wararka by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH TALAADO 19-MAY-2020

    Dowladda Somaliya oo Daawo iyo Agab Caafimaad geysay M/Buuhoodle Wafdi uu hoggaaminayo W/Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee XFS Xildhibaan C/hi Bidhaan Warsame ayaa Shalay waxaa ay gaa reen M/Buuhoodle ee G/Togdheer. Wafdiga oo ka ambabax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya oo Daawo iyo Agab Caafimaad geysay M/Buuhoodle Wafdi uu hoggaaminayo W/Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee XFS Xildhibaan C/hi Bidhaan Warsame ayaa Shalay waxaa ay gaa reen M/Buuhoodle ee G/Togdheer. Wafdiga oo ka ambabaxay M/Muqdisho ayaa waxaa ay M/Buuhoodle gaarsiiyeen Daawooyin iyo Agab kale oo Caafimaad oo qaarkood loogu talo galay ka hortagga COVID-19. Wasiir Bidhaan ayaa sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha Caafimaad ee ka jira Magaalada iyo Arrimo ka le.Xubnaha wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan maamulka de gmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaaladaas oo sanadihii ugu damb eeyay arkin wax dowlad ah.


Kooxo hubeysan oo Afduub & dhac ka


bilaabay Muqdisho

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/01/muqdisho.jpgMagaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafado ka tirsan degmooyinka Howl-Wadaag iyo War ta-nabada maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool waxaa kasoo yeereysay cabasho ku aaddan inay jir aan Kooxo hubeysan oo dad ka Shacabka ah dhac u geys anaya waqti walba.

Dad Shacab ah oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in Rag hub esan oo wata gaadiidka loo yaqaano Mooto Ba jaajta ay habeen iyo Maalin dhac u geysanaya an dadka Shacabka ee ku nool degmooyinka Wartanabada iyo howl-Wadaag.

Qaar kamid ah dadka dhaca loo geystay oo la hadlay Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dhaca geysanaya oo bustoolado ku hub eysan ay kuu wadayaan qaab afduub ahaan, iyaga oo kuu sheegaya inay yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda lagaana shakiyey,hayeeshee ka dib kaa qaadanaya wax alaala wixii aad heysato.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/qatar.jpgMid kamid ah dadka dhaca loo geystay ayaa sharaxaad ka bixiyey dhacdadii ugu dabeeys ay ee ka dhacday meel aan ka fogeen Isgoys ka laba dhagax ee M/Muqdisho dad badana lo oga qaatay Mobeelo ay isticmaalayeen.

Markii ay soo gaartay Risaala cabashada dadka Shacabka ah ee sheegaya in rag hub eysan oo sheeganaya inay ka tirsan Ciidama da dowladda gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay dhac u geysnayaan ayaan waxaan la xiriirn ay Booliska Soomaaliya,hayeeshee ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan. Xigasho:radiorisala.com

Xeer ilaaliyaha Qaranka "Waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu


xafiiskeygu wuxuu ka taagan yahay meel aad u adag..”

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2020/05/Xeer-ilaaliyaha-guud-ee-qaranka.jpgXeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Sulay maan Maxamed Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad difaac aya dadka lagu hayo caddeynta musuqa ay sameeyeen ee katirsan Wasaaradaha D/S. Waxa uu digniin u diray dadkaas, isaga oo sheegay in haddii aysan ka joogsan cadaaladda la geyna yo isla markaana laga dalbi doono Caddeymo ah waxyaabaha ay ku difaacayaan oo ay ku be eninayaan kiisaska lagu hayo dadka sameey ay Musuqa.

"Marka hore waxaan rabaa inaan kuu shee go musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka tag an yahay meel aad u adag la dagaalanka mus uqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taagan yihiin”. Ayuu yiri Dr Suleymaan Maxamed.

Waxa uu meesha ka saaray wararka shee gaya in Musuqa dhacay ee xafiiska Xeer ilaalin ta gacanta ku hayo inuu la xiriiro arrimo siyaa sadeed, balse waxa uu shaaciyay inay hayaan caddeymo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suley maan Maxamed Maxamuud ayaa xusay inay ji raan shaqsiyaad difaacaya dadka ku dhacay fa lalka la xiriira Musuqa, kuwaas oo ka digaya in arrintaas dad dano gaar ah ka leeyihiin.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri "Qof Mee lahaa ka hadlaya oo dhahaya kiiska waa la siy aasadeyay iyo siyaasadbaa ku jirta waa qof is ka hadlay booliisbaa jooga xeer ilaalinbaa sha qeynaysa”. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa la weydiiyay soo ifbixidda Musuqa oo la kowsaday faafidda cudurka Coronavirus, maad aama howsha ugu badan ay waddo Wasaara dda Caafimaadka iyo howlwadeenadeeda la xiray xiriirka ka dhaxeeyo.

"Kiiskaan musuqmaasuqa lagu eedaynayo wuxuu bilowday Covid-19 ka hor wuxuuna xafii sku daba socdaa W/Caafimaadka hadda cad eymo adag ayaa lagu helay oo dadbaa loo xirx iray” ayuu ku warceliyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.Suleymaan Ugu dambeyn wa xa uu sheegay inuu socdo qorshe lagu dhisayo golaha garsoorka Madaxabannaan si ay u buu xiyaan kaalintooda oo muddo dheer banaan, baahina loo qabo waqtigaan sida uu hadalka u dhigay. XIGASHO:BBC

Dowladda Qadar oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

Qatar ayaa kahadashay qarax ismiidaamin ah oo Dorraad kadhacay M/gaalkacyo ee xaru nta G/Mudug qaraxaasi oo lagu dilay masuul iyiin katirsan maamulka G/Mudug ee D/G/punt land. Qoraal ka soo baxay W/Arrimaha Dibadda Dalka Qatar ayaa waxaa si kulul loo gu cambaareeeyay qaraxii Dorraad lagu dilay gudoomiyihii G/Mudug ee D/ G/puntland iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ku wa asi oo marayay qeybo kamid ah magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.

Wakaalada wararka Dowladda Qatar ee la gu magacaabo Qatar News Agency "QNA” oo soo xiganeysa W/arrimaha dibadda dowladda ayaa qortay in dowladda Qatar ay sikulul u ca mbaareysay qaraxii Dorraad ka dhacay bartam aha Somaliya waxaana dowladda Qatar ay ma amulka puntland iyo shacabka somaliyeed uga tacsiyadeysay geeridii ku timid gudoomiyihii G/Mudug ee puntland iyo qaar katirsan ilaalad iisa waxaana D/Qatar ay sheegtay in garab tag an tahay shacabka Somaliyeed. Weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa waxaa ku dhintay G/yihii G/Mudug Puntland Ax med Muuse Nuur iyo 3 kamid ah ilaaladiisa wa xaana qaraxan uu noqonayaa kii 2aad oo la gu dilo gudoomiye gobol muddo 3 bil gudah ood ah deegaanada maamulka puntland iyado ona horay sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah la gu dilay G/yihii G/Nugaal

Imaaraadka oo calooshood u shaqeysta yaal reer galbeed ah u kireeyey inay

Khalii fa Hafter, kana hor-tagaan Turkiga.

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2020/05/2681257_1200x627-500x261.jpg Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Ima aradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u ta ageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal ku la jira Dowladda ay taageerto Q/Midoobay, si daasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qar soodi ah oo ay diyaarisay QM.

Wabixinta oo ay labo dibl amaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloo mberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh 2da shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo uj eedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jen.Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doo nayaan inay ku ridaan dowladda Caalamku aq oonsan yahay ee degan Tripoli.

2da shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka.

Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar ka dib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala agagaarka koon furta Talyaaniga.

Q/Midoobay ma aysan sheegin sababta halk aas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ay aa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska.

Hafter, inuu la warego Libya waxaa ku tag eera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Q/Midoobay aqoonsan tah ay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah.

Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay no qoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay waddanka si ay uga dagaalamaan.

Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la had lay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Q/Midoobay waxaa ay ballanqaadeen inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsana ya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaar ado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee QM.

Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen inay la shaqaynayaan Q/Midoobay si

ay u sameyso baaritaan kale

Tobaneeyo qof oo maalin walba iyagoo suu xsan laga qaado suuqa

Bakaaraha

Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal dhowr ah iyo saraakiil caafimaad oo kala duwan oo la ha dlay Caasimada Online, waxaa maalin walba Su uqa-Bakaaraha ee M/M uqdisho laga qaa daa to baneeyo qof oo u badan caruur iyo du mar kuwaas oo suuxsan.Tobaneeyo qof oo maalin walba iyagoo suuxsan laga qaado suuqa Bakaaraha Dadk aan ayaa la sheegay iney neef qabad-sooma an kadib markii kumanaan dad ah ay isugu ta geen Suuqa-Bakaaraha, kuwaas oo doonaya iney u adeegtaan maalmaha dabaal dagga ee Bisha Soonfur.

Kuleyl darran, ciriiriga oo saa’id ah, dadka oo is-dul qaadaya, haweenka oo ay ku jiraan kuwa uur-leh, qaar xanuun iyo caruur aan aw oodin iney galaan ciriiriga saa’idka ah ayaa la sheegay iney wajaheen xaalado halis ah.

Sidoo kale arintaan ayaa la sheegay iney si fudud u faafin karto qatarta Covid-19. Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa-Bakaaraha ayaa tirada dadka maalintii yimaada Suuqa ku tilm aamay tobaneeyo kun.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay dadka Isbitaallada loo qaado ee Neef-qabad toomay iney ka badan yihiin kuwa banaanka loo soo saaro ee biyaha lagu shubo waxayna arintaasi sababi kartaa dhimasho badan.

Maaliyiinta ku nool M/Muqdisho ayaa u diy aar garoobaya dabaal dagga Ciidul-Fitriga oo ku beegan maalmo kadib waxaana suuqyada Muqdisho ku arkeysaa kumanaan qof oo carr uur iyo dumar u badan oo adeeganaya. Xigasho:-caasimadda.net

Al-Shabaab oo u yeeray in ka badan 70 Milkiilayaasha Ganacsiyada Muqdisho si ay Canshuur uga qaataan

https://www.hiiraan.com/2020/images/May/2020518637253614942577969.jpg In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Mu qdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku ma amulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay war baahinta Horn Observer.

Kooxda Al-shabaab ayaa la kulantay milkiilayaasha ganacsiyada kala duw an ee caasimada oo ay ku jiraan dharka, maq aayadaha, hoteelada, farmasiiyada, dukaama da waaweyn, dukaamada cuntada iyo alaaba da gawaarida iibiya.

Kulankaan ayaa ka dhacay tuulada Basra ee G/Sh/Hoose, oo qiyaastii 30 kiiloomitir waq ooyi ka xigta Muqdisho habeennimadii Isniinta. 11-kii Maajo, halkaasoo oo ay kula kulmeen 4 Sarkaal oo ka tirsan guddigaururinta zakada ee al-Shabaab.

Inta badan maamulayaasha ganacsi ee la kulmay Al-shabaab waxay ka socdeen shirka ddaha qaabilsan soo dejinta iyo dhoofinta, laa kiin waxaa jiray milkiileyaal ganacsato yaryar ah oo badidooda ka ganacsada suuqyada Xa marweyne, Bakaaro iyo wadada Maka al-Mukarama.

Qaar kamid ah ayaa bixiyay waxay ugu yee reen Zakada ama ballanqaaday inay bixin doo naan bishaan gudaheeda, sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade ka soo qeyb galay kulan ka oo sababa amni u qariyay magaciisa.

Wada hadalada Al-shabaab iyo ganacsata da ayaa qaatay waqti dheer ilaa subixii talaada da, kadib markii qaar kamid ah ganacsatadu ka cawdeen in laga qaado tobanaan kun oo do llar, una baahan yihiin in laga dhimo lacagtaas.

" Markii ganacsatada ay ka baxaan M/Muqdi sho,waxay horeyba diyaar la yihiin lacagtooda. Waxaan qiyaaseynaa 75 Ganacsade ayaa bixi yay intii u dhaxaysay Isniinta ilaa Talaadada 7baadkan qiyaas ku kacaya USD250,000 illaa USD350,000 oo gacanta u gashay Al-shabaab

Dhinaca kale hal dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaal Xamarweyne ayaa u xaqiijiyay Horn Observer inuu bixiyay $ 2,500 ka dib wada ha dalo dheer. "Dukaankaygu ma ahan mid weyn laakiin waxay saraakiisha cashuuraha al-Shab aab iga codsadeen inaan bixiyo USD4,000. Waxaan bixiyay USD2,500 ka dib wadahadala da, "milkiilaha bakhaarka ayaa u sheegay Horn Observer. Xigasho:-hiiraan.com

Somalia: Tirada Dadka ka Caafimaday Coronavirus oo korortay

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiij isay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanu unka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Bukaannada jirkooda laga waayay Feyrus ka ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay. Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale ca ddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hisha beelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, wax aana tidara guud ee geeridu noqotay 57.

Wasiir,Fowziya ayaa ku baaqday in midni mo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.

C/Kariin Guuleed”Dowladda Farmaajo waa ay ku fashilantay wada-hadallada Soomaaliland

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/12/guuleed-696x392.jpg Wasiirkii gore ee Amniga Soomaaliya mar na soo noqday Madaxweynaha Galmudug Md. Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ku bogaadi yay amniga ay heystaan Soomaaliland oo Shalay xus kooban u sameysay 29 sano kadib markii ay ku dhawaaqeen inay la go’een Soomaaliya.

Qoraal dheer oo uu soo dhig ay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu kamid ahaa dadkii hormuudka ka ahaa wada-hadalladii DFS iyo Somaliland,hayeshee Dowladda Farmaajo ay ku fashilantay inay sii waddo wada-hadaladas.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin inaan ku bo gaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doora shooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan.

Shalay 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan tal ada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soo maaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, fa ham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed.

Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somalila nd xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa in ey walaallaheen reer Somaliland dabacsanna an muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiic an oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ay aan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Som aliland iyo midnimadda dalka.

Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma ji ri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wad ahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsana ya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaaw do wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay.

Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyad da Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in ho wsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan is xa mbaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiy aano. Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa waqtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somalila nd oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Sooma aliyeed. Mahad-badan

Abdikarim Hussein Guled

Waare oo xaalada Beledweyne kala hadlay Golihiisa Wasiirada

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/Kulanka-2-696x464.jpg Madaxweynaha Hirshabelle Dr.Maxamed Cabdi Waare ayaa M/B/weyne kula kulmay, xubno ka tirsan G/Wasiirada Hir-Shabelle iya goo ka wada wad hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne,iyo ho wlaha socda ee Dadka loo ga sa matabixinayo Dhib atada Biya baxada

Kulanka aad loo ga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka xalka waara Ee Beledweyne looga leexina yo Biyaha mar walbo ku fataha, isla markaana dadka Magaaladaasi waxyeela da u geysta.

Waare iyo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ay qorsheeyeen in dhowaan la fuliyo mashaar iic wax gal ah oo biyaha looga leexinayo M/ B/ weyne, sidoo kalena lagu dhiiqa bixinayo Wab iga Shabelle, iyo dhisida Garoonka Diyaarada ha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Md.Waare ayaa ka dalbaday Golihiisa Wasi irada inay dardar geliyaan howlaha Bulshada ay u hayaan iyo go’aanada ay ku gaareen kula nka uu kula qaatay Magaalada Beledweyne.

Guddiga ka hortagga COVID-19 oo ka shiray dabaal-dega Ciidul Fidriga

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/Kheyre-1.jpgR/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kha yre ayaa guddoomiy ay shirka Guddiga Qaran ee xakameyn ta COV ID19,kaas oo habeen walba ha bmareegta Intern et-ka ah ay ku qa bsa daan Xubnaha Guddiga.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qor she ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaa shaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteyna yo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaan ka Feyruska Karoona.

Qorshaha ayaa waxaa kamid ah, sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka Caafi maad ee Wasaaradda Caafimaadka qaybta ka ah ka hor tagga safmarka ee COVID-19 oo kii sas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Galmudug oo kulan kii ugu horreeyay yeeshay

Shirkii ugu horeeyay ee G/Wasiirada Ga lm udug oo uu Shir-Gudoomiyay Madaxweyne Ax med Cabdi kaariye Qoorqoor, oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xegeenka Galmudug, Cali Da ahir Ciid ayaa Shalay ka qabsoomey Xarun ta Madaxtooyada ee M/Dhuusamareeb. Ajand aha Shirka G/Wasirada Shalay ayaa waxaa uu ku saabsanaa:

1- Isbarasho Guud iyo xil la wareegidda wasa aradaha.

2-Xogta wasaaradaha iyo qorsha howleedka 100-maalmood ee soo socda.

3-Warbixinta xaaladda Amniga ee hadda taagan.

4-Dib u habeynta Guddiga Covid-19.

5-Qabanqaabada maalinta Ciidda.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa xillig aan horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo adag ma adaama Galmudug ay soo martay in ka badan laba sano oo khilaaf ah.

Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Shir ay soo qaban qaabisay QM

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/FB_IMG_1589802330771-696x464.jpg Madaxweynaha D/G/Jubbaland Axmed Ma xamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo abaabushay Q/Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi so cod ka dalka iyo caqabadaha taagan.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ay aa waxaa ka qaybgalay Danji raha QM ee Soomaaliya Amb assador James Swan, Ergayga M/Europe ee Sooma aliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiir ada wa damada UK, Norway, Sw eden , Germ any Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wak iilada iyo Madaxda Ururada da neeya arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii loo ga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinte en waxaa kale oo laga ga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabad galyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

Dowladda Somalia oo War kasoo saar tay duqeyn ka dhacday Sh/Hoose

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/11/duqeyn-1-696x522.jpg Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykan ka ayaa la sheegay inay howlgal ku dileen Xub no ka tirsan Al-shaba ab, kaas oo ay ka sameey een G/Sh/Hoose Howlgalk aasi oo ahaa duqeyn dhan ka ci rka ah ayaa lala beegs aday nawaaxiga M/Ku unyo Barrow, Duqeyntaas ayaa saraakiil ka tir san Ciidanka dowladda waxaa ay sheegeen in lagu dilay 2 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shab aab. War-Saxaafadeed kasoo baxay DFS ay aa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas uu qe yb ka yahay qorshe DFS, M/Afrika iyo isbaha ysi ga caalamiga ee sii wadidda dagaalka ka dhan ka Al-Shabaab.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/FB_IMG_1589814242227-696x464.jpg "DFS iyo bahwadaageeda Mareynkanka ay aa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duq eymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ay aa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay ayaa lagu yiri”Warka ka soo baxay dowladda.

Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada DFS ayaa horay dhowr jeer waxaa ay duqey mo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana duqeymaha qaarkood ku waxyeeloo ba dad rayid ah.

Tirada dadka Coronavirus ugu geeriyo oday Somaliland oo korortay

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2020/05/Muuse-Biixi.jpg Soomaaliland ayaa Shalay shaacisay kiis as horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo qofkii 9aad oo Cu durkaas ugu dhintay Soomaaliland tan iyo markii Cudurka laga helay. Guddiga wacyigelin ta iyo ka hortagga COVID-19 u qaabilsan Soo maaliland ayaa sheegay in la baaray 40 Ruux oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 18 Qof oo kamid ahaa dad kaas.

Dadka Cudurka laga haley ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay joogaan 15 kamid ah M/Hargeysa,halka 3da kale ay kala joogaan Magaalooyinka,Boorama iyo Odaweyne, waxa ana dadka Cudurka laga helay ku jira hal qof u dhashay dalka Bangaladesh.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay M/Harge ysa kaas oo noqonaya qofkii Sagaalaad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaartay 121 qof 9 qof ay u dhinteen halka ay ka bogsadeen 8 Ruux

Muuse Biixi "Somaliland iyo Soomaaliya waa in maxkamad caalamiya isla

tagaan, haddii wada-hadalka lagu heshi in waayo, si ay u kala saarto..”

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/12/biixi.pngMuuse Biixi Cabdi,Madaxweynaha Somali land oo Shalay hadal ka jeediyay sannad-guu rada 18-May oo ku beegan 1991-dii markii ma amulkaasi ku dhawaaqay goonni-goosadka, ay aa mar kale ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku aaddan wada-xaajoodka DFS.

Madaxweynaha Soomaal iland , ayaa sheegay in ha ddii la doonayo wada-had al dhab ah oo dhexmara Somaliland iyo DFS, ay marka hore shardi tahay in sidii 2 dowladood oo deris ah loo wada hadlo.

Madaxweyne Biixi ayaa , wuxuu sheegay in Somaliland aysan wax wada-xaajood ah la geli doonin DFS, inta mas’uuliyiinta Xamar joogta ay Somaliland ugu yeerayaan magaca "gobolla da waqooyi ee Soomaaliya” taasina ay tahay xaqiraad sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi wuxuu in wada-hadalka 2da dhi nac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’u uliyiinta DFS aaminsan yihiin in midnimo oo kel iya laga wada hadli karo, halka Somaliland aa minsan tahay in kala go’ oo keliya laga wada-hadlo. Md.Biixi, ayaa dhinaca kale soo jeediy ay in DFS iyo maamulka Somaliland ay maxkamad caalamiya isla tagaan, haddii wa da-hadalka lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto.

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey Maxaabiis badan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summa deedu tahay SL/XM/WM/222-509/052020, Caf is Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May da rteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukum an ee xabsiyada ku xiran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madax weynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qod obka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb galay shir looga hadlay COVID-19

May 18, 2020

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Gu ud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tah ay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/ 2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda Shalay aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darte ed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran, oo tiradoodu dhan ta hay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuqu uqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ila aliyaha Guud ee somaliland, iyada oo la raa cayo liiska Maxaabiista.

BULSHADA SOMALILAND OO SOO SAARAY BA AQ XASAASI OO KA DHAN AH XUSKA 18-MAY IYO XUKUUMADA BIIXI


Qaar kamid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa si wada-jir ah Shalay usoo saaray baaq xas aasiya oo ku saabsan xuska 18-ka May, oo ku bee gan maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Baaqa ay Shalay soo saareen Shacabku oo nu qul kamid ah uu soo gaaray Caas imada Online, ay aa waxa lagu she egay in Ujeeddada iyo yoolka loo un kay qaran madax-bannaan ay aheyd in la dhiso dowladd umadda wada deeqda, kuna dhisan sinaan iyo cadaalada.

Sidoo kale waxa baaqaasi shaki lagu galiyay in ay xukuumada Somaliland ku shaqeynayso qaab waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasa askeeda, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka.

Bulshada Somaliland oo soo saaray baaq xasaasi oo ka dhan ah xuska 18-May iyo xukuumada Biixi Waxaana lagu xusay in gudaha Somaliland ay ka dhacaan falal kasoo horjeeda sharciga, midkaasi oo wiiqaya xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, iyada oo Muwaadiniin badan oo reer Som aliland ah ay xabsiyada ugu jiraan soo bandhigida fikirkooda.

Baaqaasi ay Shalay soo saareen Shacabku ay aa sidoo kale waxa lagu sheegay inay marag ma-doon tahay in xukuumada Somaliland ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray, xili dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fur sad ay ugu codeeyaa baarlamaan metela.

Waxaana sarre u kacay gudaha Somaliland sha qo la’aanta baahsan ee ka taagan, sinnaan la’aan ta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasa asiga ah iyo xorriyaadka qofka, sida lagu sheegay baaqaasi.

"Waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboon na in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood ka dib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaq aynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yo olkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan maba adi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awood aha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriy adda qofka” ayuu lagu yiri baaqaasi.

"Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warb aahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira ara gtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidej inta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan” ayaa sidoo kale lagu yiri baaqaasi.

Baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah ayaa waxa kale oo lagu sheegay in xuku umada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001.

Ugu dambeyntiina waxa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi lagaga dalbaday inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.


GABAR DHALINYARO OO FULISAY WEERARKII GAALKACYO IYO MACLUUMAAD KALE


Natiijada ka soo baxeysa baaritaanka horudhac ah ee laamaha amniga ayaa muujineysa in qof dumar ahi ay ka dambeysay ismiidaamintii Axadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.

Wax yar uun ka dib markii weerarka uu ka dha cay afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee W/Gaalkacyo ayaa waxaa soo baxay wa rar sheegaya in qofka ismiidaamiyay uu watay moo to bajaaj, waxaase iminka soo baxaya warar kale oo ka duwan.

Waxaa jira warar sheegaya in qofka ismiidaami yay uu la socday gaari NOHA ahaa, isla-markaana uu bartilmaameedsaday gaarigii gaarka ahaa ee uu la socday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntlan d, Axmed Muuse Nuur.

Ismiidaaminta waxaa lagu dilay Gudoomiyihii G/Mudug ee dhanka Puntland iyo 3 qof oo kale (Wa laalkii iyo 2 ka mida ilaaladiisii). Waxaa sidoo kale ku dhimatay qof dumar ah oo goob ganacsi halkaasi ku haysatay iyo gabadhii is qarxisay.

https://www.dhacdo.net/wp-content/uploads/2020/05/Axmed-Muuse-Gujir-iyo-Yaiisow.jpg Mooto bajaajta loo maleeyay in weerarka lagu ful iyay ayaa waxaa saarnaa darawalkii oo qura, kaa soo markaasi doonayay in uu halkaasi ka qaado Ma xamed Muuse Nuur, oo la dhashay Gudoomiyihii G/ Mudug ee Puntland. Gudoomiyaha iyo walaalkii oo markaasi uun is macsalaameeyay ayaa dhagartaan ku dhacay.

Laamaha amniga ee Puntland ayaa la wareegay meydka gabadhii weerarka fulisay, taasoo goobtaa si laga helay qoorteeda oo keliya, halka intii kale ee jirkeeda aan la helin. Inta badan qofka is qarxiya ay aa la helaa madaxiisa oo ka go’an jirka intiisa kale.

Arrinta dareenka dadka ku abuureyso waxaa we eye in weerarkii 24-kii bishii July ee 2019 ka dhacay M/Muqdisho, laguna dilay masuuliyiin uu ugu sare eyay G/yihii G/ Banaadir ahaana Duqii M/Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) in ay fulisay ruux dumar ah.

Weerarkii 29-kii bishii March ka dhacay M/Garoo we, laguna dilay Gudoomiyihii G/Nugaal, Cabdisa laan Xasan Xersi (Gujir) ayaase ka duwanaa wee raradaasi kale, haddii uu fuliyay nin isa soo miidaay ay, balse waxaa ay ka wada siman yihiin in dhamm aantood ay ismiidaamiye-yaal ahaayeen.

Hase ahaatee 3daan weerar oo wax ka yar sa nad uun dhacay ayay dadka qaarkood ku baraarug een, ka dib markii dadka wax ku qora baraha bulshada ay iftiimiyeen in Shabaabku markaan uu weerar ku yahay Gudoomiye-yaasha Gobolada Dal ka, gaar ahaan kuwooda hoggaaminaya hawlgalada gobolada looga sifeynayo.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Punt land ayaa wacad ku maray in ay ciqaab adag mars iin doonaan kuwii ka masuulka ahaa 2dii qarax ee si yaabooyinka kala duwan loogu kala dilay Gudoomi ye-yaashii Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa Habeen hore sheegay in ay dad u hayaan dilka Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, im inkana ay ku daba jooggaan kuwii ka masuulka ah aa dilka Gaalkacyo loogu gaystay G/yihii G/Mudug.

Dhanka kale Kooxda Bisha Cas Somaliya ayaa gurmadkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah ka sameys ay M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Kooxda Bisha Cas, oo halkaasi ka daad-gureyneysa meydadka dadkii ku dhintay weerarka bahalnimada ahaa ee Axadii ka dhacay Gaalkacyo.

XIGASHO:DHACDO.COM


XIISAD SIYAASADEED OO KA TAAGAN MALAYSIA


https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/05/5aabd7c2-5cbd-4f33-b531-fdad5ba38911_w408_r1_s.jpg Baarlamaanka Malaysia ayaa Shalay yeeshay fa dhi hal cisho ah si ay u dhageystaan khudbadda bo qorka dalkaasi, ka dibna waxa ay si dhaqsa ah dib ugu dhigeen fadhiyadooda, taasi oo u ogolaaneysa R/wasaare Muhyiddin Yassin inuu ka badbaa do in loo qaa do codka kalsoonida.

Baarlamaanka ayaa hore loo qorsheeyey iney cod u qaadaan muushin kalsooni kala noqosho ah oo uu soo gudbiyey Mahathir Moh amad, oo ahaa ra’isulwasaarihii uu Yassin xilka kala wareegay.

Hase ahaatee, afhayeenka baarlamaanka Moh amad Ariff Md Yusoff ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka helay Ra’iisulwasaare Yassin warqad qeexeysa in ajendaha kulanka uu noqon do ono oo qur ah in la dhageysto khudbadda boqorka dalkaasi Sultan Abdullah Sultan Ahmad Shah sababo la xiriira xaaladda coronavirus.

Boqorka ayaa horaantii bishii March u magacaab ay Muhyiddin inuu noqdo ra’iisulwasaare, maalmo yar uun ka dib markii Mahathir oo ah 94 jir uu is casilay ka dib markii uu burburay isbaheysigiisii talada hayay.

Muhyiddin, oo soo noqday wasiirka arrimaha gud aha ee xukuumaddii Mahathir ayaa dhowr xil oo gol aha wasiirada ah siiyey xubno ka tirsan xisbiga UN MO, kaasi oo talada dalkaasi soo hayay tan iyo mar kii ay Malaysia ka xorowday gumeystihii Britain san adkii 1957-kii. Isbahaysi uu Mahathir horkacayay ayaa UNMO talada kala wareegay sanadkii 2018-kii. UNMO ayaa waxaa talada ka eryay codbixiye yaasha oo ka daalay musuqa dalkaasi gaar ahaan fadeexad uu ku lug lahaa ra’iisulwasaarihii hore Najib Razak iyo boob lagula kacay hantida bangiga maalgashiga ee 1MDB oo ah mid ay dowladdu leedahay.

Xukuumaddii Mahathir ayaa si adag ugu oogtay Najiib eedo musuq maasuq oo la xiriira fadeexaddii 1MDB, hase ahaatee xeer ilaaliyeyaasha ayaa laa lay dhamaan eedihii lagu soo oogay Riza Aziz, oo ah wiilka Najib, kaasi oo sanadkii hore lagu eedeeyey inuu lacag dhan $250 milyan oo dollar ka helay 1MDB. Riza, oo ah milkiilaha shirkad filmaan ta sameysa oo ka tirsan Hollywood taasi oo maalge lisay filmaan uu ka mid yahay "The Wolf of Wall Stre et,” ayaa ogolaaday inuu Malaysia u celiyo ilaa $107 milyan oo hanti ah si loo laalo eedaha loo hay sto. Xeer ilaaliyihii hore ee dalkaasi Tommy Thomas ayaa Isniinta Shalay ah qoraal uu soo saaray kaga horyimid heshiiskan, isaga oo ku tilmaamay "heshiis

u wacan Riza, laakiin u xun Malaysia.”


OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA


GANACSIGA

 


       GAMEL


OGEYSIISKA HALKAN AYAA KU SAMEEYA in calaamada kor ku xusan (CAMELSTYLIZED) is the property of JAPAN TOBACCO INC. of 2-2-1 Toranomon, Minato-ku, Tokyo, Japan oo Leh isla markaana isla summada ganacsi loo istcimaalaa alaabada soo socota:

Fasalka 34: Tubaakada; cayriin ama la soo saaray, maqaallada sigaar-cabista, taraqyada.

OGEYSIISKAWAXAA SIDO KALE BIXINAYAJAPAN TOBACCO INC. inay sheegato dhammaan xuquuqaha ku xusan sumcadda ganacsi ee ka jirta Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu adeegsanayo sumadda ganacsi ama astaan ganacsi kasta oo kale oo si khiyaano ah ama sirta ah la mid ah ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda


Madaxweyne jeediyay hadallo la yaab leh oo ku saabsan COVID-19

Madaxweyne John Magufuli , ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay kaniisad ku taala Chato, waqooyi galbeed Tanzania maalintii Axadda ahayd sheegay in wiilkiisa uu ka bogsooday Covid-19 kaddib markii uu isticmaalay liin, sinjibiil uuna sameeyey jimicsi badan.

Balse ma jiraan cadaymo sheegaya in taasi ay tahay daawada coronavirus sida ay dhakhaatiirta sheegeen.

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, ayaa isla halkaas ka sheegay in tirada kiisaska cudurka corona ee dalkiisa ay hoos u dhaceen kaddib markii ay "Ilaahay baryeen.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in iskuulada iyo jaamacadaha dib loo furi doono isbuucan.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qorshe ay dowladdiisa ku qafiifinaysa karantiilka la geliyo dadka dalkiisa soo galaya.

Dalka Tanzania kama jiraan tallaabooyin adag mana saarna xayiraad sida dalalka kale.

Tanzania waxa ay diwaangelisay 509 kiis halka ay cudurka corona u dhinteen dad gaaraya 29 qof.


Waa Maxay Zakatul Fidri??

Waa Sadaqad la bixiyo Marka la afuro Bisha ramadaan, waxaana Fidiro loogu magacaabey Afurid ayaa sabab u ah.

Ma waajib Baa Fadiradu ?

Haa waa waajib. (Qofkii Awooda) ee Muslim ah.Maxaa u daliil ah ?

Waxaa u daliil ah, xadiiskii rasuulka SCW ee uu wariyey Cabdullahi Ibnu Cumar A.K.R. Kuna Sugan Muslim

"Waxaa la faral yeeley Sakaatul fidriga Bisha ramadaan

"Sanadkee la faral yeeley

Zakaatul Fidriga ?

Waxaa la faral yeeley Sanadkii labaaad ee Hijriga Markii ramadaanta la faral yeeley.

Xikmadda loo jideeyay Zakadan?

Marka hore Zakaatul fidriga wixii khaladaad iyo nusqaan ahaa ee kaadhacay intii aad soo soomaneyd ayey kuu kabtaa oo kaa nadiifisaa, in lagu shukriyo nimcadii aad soo dhameysatay ee bisha ramadaan.

Waxay sidoo kale Zakaatul Fidriga xikmadda ku jurtaahi tahay in dadka muslimiinta ahi gaar ahaan kuwooda masaakiinta ah lala farxo oo lagu abuuro kalgacayl bulshadana is jeclaato.

Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:

1. Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.

2. Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm.

3. Waxa la bixinayo waa inay noqotaa cunno ma banaana lacag, oo kaliya haddii lacagtaasi lagu siigadayo raashin ka dibna la siinayo masaakiinta waa banaan tahay, waxaa la mid ah haddii meesha uu qofku ku nool yahay aysan lahayn masaakiin way banaan tahay in loo qaado meeshay masaakiinta joogto ka dibna halkaasi loogu qaybiyo.

Waqtigee ama goorma ayaannu bixinaynaa Zakaatul Fidriga?

Sida sunnada ah ee loo bixiyo zakadaas unabixin jirey Nebigeenii NN korkiisa ha ahaatee waa salaadda ciidda ka hor.

Zakaatul fidrigu waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka marka la tukado Salaada Ciida.

Mar way bannaantahay, waana dhammaan maalmaha Bisha Soonka ama Ramadaanka,in aad iska sii dhiibto waa wax bannaan.

Markase ay ugu fadli badantahay waa xilligaSalaadda Ciiddana an la gaarin, qoraxduna soo baxdo, maalinta 1-aad ee bisha Shawaal ama Soon Fur.

Mar waa XAARAAN, waana wiixii ka danbeeya Salaadda Ciidda ka dib.

Qadarka la bixiyo:

waa Suus oo ah 4 Koombo Cuntooyinka la beego, ama 2500Gr (Laba Kiilo iyo Bar) Cunooyinka la Miizaamo ah sida Bariiska ama Burka oo kale, waana la bixin karaadhamaan noocyada kala duwan ee Cuntada, mana banaana in la bixiyo wax aan Cunno aheyn.

Gaarsiiya Dhamaan walaalaha Musliminta ah

Wabillahi tawfiiq

W/Q BALQIIS MAXMAD AXMED

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip