Siyaasi kasta oo ku tiirsan Dal Shisheeye, runta wuxuu ogaanaa Maalinta Shacabku Runta ka Hadaan, inta ka horeeyso…=Nasashada Jimcaha.Q-200-aad=

0
Friday May 15, 2020 - 16:59:26 in Wararka by
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi kasta oo ku tiirsan Dal Shisheeye, runta wuxuu ogaanaa Maalinta Shacabku Runta ka Hadaan, inta ka horeeyso…=Nasashada Jimcaha.Q-200-aad=

    1-Cabdi yare oo Gaalkacyo joogo ayaa Gabar uu jeclaa u soo Qoray Qoraalkaan: Gacaliso, Arooskeenu waxa uu ka dhacayaa Magaalada Gaalkacyo waxaan harsan doonaa Geedaha Qaraha, Qaraha Gaalkacyo waxaa laga dhoofiyaa Dekadda Gaalkacyo, waxaana loo dhoofi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Cabdi yare oo Gaalkacyo joogo ayaa Gabar uu jeclaa u soo Qoray Qoraalkaan: Gacaliso, Arooskeenu waxa uu ka dhacayaa Magaalada Gaalkacyo waxaan harsan doonaa Geedaha Qaraha, Qaraha Gaalkacyo waxaa laga dhoofiyaa Dekadda Gaalkacyo, waxaana loo dhoofiyaa Dalka Shiinaha. Mar dhaw ayaan miro moos ku beeray Guiga aan ku Aqal galeeyno Hortiisa. Aad ayey ugu Faraxday ileeyn weligeed Gaalkacyo ma tagine. Qof kale oo ey war ka maqlee male, Runta waxa ey ogaanee Maalintii ey Gaalkacyo Tagto. ( F.S: 1, 2 & 3aad)

         

            (Siyaasi kasta oo ku tiirsan Dal Shisheeye, runta wuxuu ogaanaa Maalinta Shacabku Runta ka Hadaan, inta ka horeeyso waa noo Qare iyo Moos)

            2- Weeydii Saaxiibtaa, in ey Deg deg kuugu timaado Gurigaaga. waxa ey ku leedahay, Babe, ma heeysto Lacag taransport ah oo kuu ku soo baxo, ama aan Taxi ku soo raaco. Haddii isla makii Qof kale telefon u diro kuna yiraa: Saaxiibkaa Naag ayaa Qolkiisa la joogto, waxaad arkee iyada oo ku dul taagan, Lacag Taxi iska dhaafe Dallo Air Line ayeey soo kireeysan kartaa. ( F.S: 4aad)

( Haddii aad Siyaasiga Tolka Shaxaad u doonato, waxa uu ku leeyahay, Annigaaba Kirada Guriga iska Bixin la’. Haddii aad Tiraa waxaan Arkay Odayaashii Beesha oo u tashanayo, sidii Kursiga lagaaga Qaadi lahaa. Waxa uu ku leeyahay ,Tolka iyo Odayaasha Meeqaa lagu kala Furfuri karaa, wixii Lacag ah Aniga iigu imaad)

             3- Haweeneey ayaa Ninkeedii ku tiri: iga raaki ahaaw, ina cafi, Runtaan kuu sheegayaa, Xalay Saaxiibkeeygii hore ayaan arkay, Lido ayaan isku raacnay, Kadibna waan ku khiyaamay. Waxa uu ku yiri: Ha ka walwalin, Annigaa wax ka daran sameeyay? Waxa ey ku tiri: Waryaa doqonyohoow ileeyn waad i khayaani jirtay, Adiguna runta qiro. Waa maxaay khaladka aad gashay, khaa’inyohoow?.

Waxa uu yiri: Khaladka aan Galay waa: Guriga ayaan iska joogay , Adiga ayaana ku aaminay….. Labadaa Yaa ah Qalbi Dile?, side loo kabi karaa Qalbigaa?. ( F.S: 5aad)

( Nin Siyaasi ahaa ayaa Shacabkii ku yiri: Iga raali ahaada Dambi ayaan idinka galay, Bad iyo Berri, Dakad iyo Dahab, Shamiindo iyo Shidaal waan Xaraashay. Shacbkii ayaa ku yiri: Macna male, Annagaa wax ka daran sameeynay. Waxa uu yiri: Qaran dumis ayaad tihiin, Maxaad Sameeyseen? Shacabkii ayaa yiri: Annaga oo waxaas oo dhan og ayaan iska Aamusnay ,oo aan ku Aaminay)

         4-Dhalinyarada Ku barbaartay Waqtigii Corona Virus waxa ey isagu yeeraan Naaneeysyo Cusub, sida: Mohamed corona, Hani karaantiil, faadima Martiini, Xassan virus, Khadijo stay at home, Cali bandow, Jamaal Covex 19, Muna wuhu, Kulmiye kaduudshe, Qaali qunfac, Luul ka hortag, Gacal gacma dhaq, Dahir distance, Caasha Caabuq, Deeqo Daawo male, Nasro Neef qabatoon, Cumar Oxygen, Nadiifa Neef mareen, Xaliimo Sanitizer. Saalax Saabuun iyo Maryan Maaski


.
(_Inta Corono jiro Gabar ha isku jeclaan, Caroone kadib sey u dhoola cadeyn doonto ma taqaanide). ( F.S: 6aad)

          5- Ninkaagu Hadduu ku yiraa: Gacaliso wax kasta waan kuu Huri karaa, La’aantaa ma noolaan karo, waxaad ku tiraa: Face Book –gaga Sawirkeeyga saaro, kun a dul qor Xaaskeeyga waan jecelahay, WhatsApp kaagana Password- kiisa i sii.

( Haddii Mucaarad ku yiri: Shacabka waan jecelahay, wax kastana waan u hurayaa, waxaad ku tiraa: Runta lee ma noo sheegtidoo)

          6-Cabdi Warmooge ayaa Gabar aad u jeclaaday, Kadibna waxa uu u tagay Aabihii Farax Fidno, waxa uuna ku yiri: Aabe gabar ayaan jeclaaday, oo aan Laba Sanno wada soconay, waxaan rabaa in aad ii doontid. Waxa ey Degan tahay Dabaqa naga sareeyo, waana Deriskeena. Aabihii ayaa yiri: Ma gabarta Injineerkaa? oo ey dhashay Xaliimo Madiido?. wiilkii ayaa yiri: Haa. Aabihii ayaa yiri: Taasi waa Walaashaa, ee mid kale Doono.

            Wiilkii ayaa Xaafad kale Gabar Ka bartay. Mudo kadib ayuu Aabihii u sheegay. Aabihii ayaa yiri: Ma Gabadha Wasiirka, Hooyadeed Soow ma ahan Lool Loof. Wiilkii oo yaaban ayaa yiri: Haa. Aabihii ayaa yiri: Wiilkeeygoow waaya waayo ayaad i xasuusisay, Gabadhaasi waa Walaashaa.

            Wiilkii ayaa Gobal Tagay, Gabar ayuuna ku soo bartay, Aabihii ayuu uga sheekeeyay Jaceylka uu u qabo Gabadhaa. Aabihii ayaa ku yiri: Soow ma ahan Gabadhii ey Dhashay Hanni Hoo, oo degan Saldhiga agtiisa, Waqti hore ayaa Gobalkaa la ii bedelay Anniga oo Asgari ah, wiilkeeygoo Gabdhaasi waa Walaashaa ee mid kale raadso.

            Wiilkii oo Murugeeysan ayaa Hooyadii u tagay, Ugana sheekeeyay Dhibaatada ku dhacday. Hooyadii ayaa ku tiri: Wiilkeeygoow, waxba ha ka murgin, Isaguba Aabahaa ma ahan.

( Xabaala Qode, Xabaalkiisaa la Qodaa, Ha laysku badnaado, waa iga Tallo)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip